4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2012
Taliyaha Booliska Somaliland oo sheegay in iska hor imaadki ciidanka amniga iyo dad qaxootiga ah ay ku dhaawacmeen Shan Qof
Jimco, Ogoosto, 31, 2012 (HOL)-Taliyaha Booliska Somaliland Gen: Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in ilaa afar askari ku dhaawacmeen iyo hal qof oo Qaxootiga ka mid ah, iska hor imaad shalay ku dhexmaray ciidamadda amniga iyo Qaxooti Itoobiyaan ah oo degan xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa.

Taliyuhu waxa uu sheegay in shanta qof ee iskugu jira afarta askari iyo halka qof ee qaxootiga ahba lagu dawaynayo cisbitaalka weyn ee magaaladda Hargeysa.

Taliyaha waxa uu intaas ku daray inay dadkan qaxootiga ah oo aan wali loo aqoonsan qaxootinimo ay mudaharaad aan sharciga waafaqsanayn ka sameeyey magaaladda, isla markaana kala xidhay wadadda hor marta wasaarada arrimaha bulshadda oo ay ag degan yihiin, ka dibna ciidankii ku baxayna ay shiid iyo faashash kala hor yimid, halkaas oo afar askari ku dhaawacmeen.

Goobtan ay degan yihiin qaxootiga ayaa sanad ku dhow la doonayey in laga rarro, maadama oo hay’adii ku shaqada lahayd qaxootinimada ee UNHCR ay diiday inay qaxootinimo u aqoonsato, kaas oo muran badani ka taagnaa, haseyeeshee Qaxootigan ayaa ku adkaystay in aanay haysan meel ay uga guuraan, taasina ay keentay in xoog lagaga saaro, waxaana halkaasi ka dhashay rabshado labadda dhinacba waxyaalo ka soo gaadhay.

Mid ka mid ah dadkan qaxootiga oo HOL wax ka waydiisay waxa keenay rabshadaha ayaa sheegay in ciidamaddu doonayeen inay xoog ku raraan, waxaanay sheegeen in sideetan iskugu jira rag iyo dumar oo ka mid ah Qaxootigan ay xabsiyada kala duwan u taxaabeen, kuwaas oo toban ka mid ah dhaawacyo fudud ka soo gaadhay hawlkaasi, halka mid ka mid ahna dhaawac xabad ahi uu qabo, isla markaana lagu dawaynayo cisbitaalka.

Dadkan qaxootiga oo lagu qiyaasay laba kun oo qof ayaa madaxweynaha iyo waxgaradka Somaliland ka dalbaday in meel ay degaan loo sameeyo, ama loo ogolaado inay xaga Puntland  ama Jabuuti u dhaafaan, iyagooo tilmaamay inay wasaarada arrimaha guduhu si xun ula dhaqantay.

Si kastaba ha ahaatee, qaxootigan ayaa degan guri nin shacab ahi leeyahay, kaas oo dalbaday inay uga guuraan, iyadoo muddo horana lagu amray inay ka guuraan, balse ay ku doodayeen in aanay haysan meel ay u guuraan, waxaanay sheegeen inay dhibaatadda haysta u gudbiyeen hay’adaha xuquuqda aadamaha ka shaqeeya, waxaanay eedeen usoo jeediyeen hay’ada UNHCR oo ay sheegeen inay dayacday xuquuqdii ay ku lahaayeen.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland