4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2012
Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo Maanta yeelanaya kulankoodii ugu Horreeyay oo ay uga hadlayaan doorashada
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay maanta yeelanayaan kulankoodii ugu horreeyay oo ay kaga hadlayaan qabanqaabada doorashada madaxweynaha, taasoo laga sugayo inay ku dhawaaqaan xilliga ay dhacayso.

Xubnaha guddigan oo ka kooban 15-xubnood iyo guddoomiyahooda oo tiradooda ka dhigaya 16 ayaa waxay isku qaybin doonaan guddi hoosaadyo uu ka mid yahay guddiga maaliyadda iyo guddiga qabashada araajida.

"Waxaan maanta isku qaybin doonnaa guddi hoosaadyo, markaas kaddib ayaan ka shaqeyn doonaan shuruudaha doorashada madaxweynaha iyo xilliga ay dhacayso," ayuu yiri xlidhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo guddiga ka mid ah.

Sidoo kale, mudanuhu wuxuu sheegay inay dhawaan ku dhawaaqi doonaan lacagta laga qaadi doono xubnaha u taagan doorashada madaxnimo ee dalka, isagoo xusay inay guddiga ku jiraan xubno horay uga soo shaqeeyay doorashooyin.

Murashaxiin fara badan oo ay ku jiraan madaxda dowladda ayuu hunguri kaga jiraa inay xilkaas ku guuleystaan, iyadoo mas'uul walba uu sameynayo ballanqaadyo uu ku sheegayo waxa uu dalka ka qaban doono haddii uu guuleysto.

Dhanka kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Kenya ay faraha kula jirto doorashada madaxnimo ee dalka, inkastoo taas aysan ahayn mid cad, waxaana sidoo kale murashaxiinta ay dowladda ka mid ahayn ay ka cabanaya inaan loo ogoleyn in codadkooda laga maqlo warbaahinta dowladda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya