4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2012
Xarakada Al-shabaab oo Ciidammo fara badan soo dhoobtay Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dhawaan laga qabsaday degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay ciidammo fara badan soo dhoobtay deegaanno horay looga qabsaday oo ay ka mid yihiin Laanta Buuro iyo Lambar 50 oo u dhexeya Marko iyo Afgooye.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannadaas ayaa sheegaya inay arkeen ciidammo iyo gaadiid fara badan oo halkaas soo gaaray, kuwaasoo aan la ogeyn ujeedka ay leeyihiin, iyadoo Al-shabaab ay horay falal ammaandarrop uga sameyn jirtay inta u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho.

"Deegaannada gobolka ee u dhexeeya Afgooye iyo Marko waxaa soo buuxiyay ciidammo fara badan oo Al-shabaab ka tirsan, xaaladdu waa xaalad dagaal, balse lama saadaalin karo sida ay wax noqon karaan," ayuu yiri goobjooge ku sugan KM-50.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa waxay horay u sheegeen inay qabsan doonaan goobaha ay banneeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, ciidamada dowladda ee ku sugan Shalaanbood iyo Marko ayaa waxay sheegeen inay tageen deegaanno hor leh oo gobolkaas ka tirsan, kuwaasoo ay ku sameeyeen sahanno kala duwan.

Al-shabaab ayaa tan iyo sannadkii hore waxay ka baxaysay deegaanno ay kaga sugnayd Muqdisho iyo gobollada ku dhowdhow, waxaana sidoo kale ay ka baxeen degmooyin ku yaalla bartamaha, koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya