3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2012
Maxamed Ibarahim Xaabsade oo Arrimo Siyaasadeed ku tilmaamay sababta loogu diiddan yahay inay baarlamaanka ka mid noqdaan
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Maxamed Ibraahim Xaabsade oo xubnihii ay amarka ku bixisay maxkamadda sare ka mid ah ayaa sheegay in sababta weli loo hortaagan ay tahay arrin siyaasadeed, wuxuuna gaashaanka ku dhuftay inay yihiin hoggaamiye kooxeedyo dambiilayaal ah.

Xaabsade wuxuu sheegay in sababta loo haystoi ay tahay arrin siyaasadeed oo uu ku sheegay inay salka ku hayso inaanay codkooda siinayn murashaxiinta qaarkood, ayna qayb ka tahay ololaha siyaasadeed sababta loo hortaagan yahay.

"Dhammaanteen waxaa nalagu haystaa cod kama helayno, maxaa yeelay waa olole siyaasadeed oo la doonayo in meesha nalooga saaro, odayaashii dhaqanka ee nasoo xulay haddii ay dhahaan ma matashaan diyaar ayaan u nahay inaan meesha isaga tagno," ayuu yiri Xaabsade oo la hadlayay VOA-da.

Xubnahan oo shalay loo diiday in la dhaariyo ayaa waxaa loo saaray guddi goa'an kasoo gaaro muranka ku saabsan ka mid noqoshadooda baaralamaanka, iyadoo ku xigeenka labaad ee guddoonka baarlmaanka uu sheegay inaysan doonayn inay faraha la galaan arrimo la isku haysto.

Guddiga farsamada ayaa xubno uu ku jiro Xaabsade horay uga saaray liiska baarlamaanka, iyagoo xilligaas sheegay in loo haysto dambiyo dagaal oo ay kusoo eedeeyeen beelahooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/31/2012 7:22 PM EST
Jimco, Agoosto 31, 2012(HOL): Dagaallada ayaa yimid kadib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Miido oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

8/31/2012 2:09 PM EST
Jimco, 31-ka Agoosto 2012(HOL): Barnaamijka dareenka shacabka iyo siyaasiga ee ka baxa Hctv oo falanqeyn ku sameeyey sidii ay u dhacdey doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka ee soomaaliya taasoo ka dhacdey magaalada mugdisho.

8/31/2012 12:38 PM EST
Jimco, 31-ka Agoosto 2012(HOL): Guddiga Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay xilliga ay dhiceyso doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya, kaddib kulan uu guddiga ku yeeshay xarunta golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

8/31/2012 5:25 AM EST
Jimco, Ogoosto, 31, 2012 (HOL)-Taliyaha Booliska Somaliland Gen: Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in ilaa afar askari ku dhaawacmeen iyo hal qof oo Qaxootiga ka mid ah, iska hor imaad shalay ku dhexmaray ciidamadda amniga iyo Qaxooti Itoobiyaan ah oo degan xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa.

8/31/2012 5:19 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay maanta yeelanayaan kulankoodii ugu horreeyay oo ay kaga hadlayaan qabanqaabada doorashada madaxweynaha, taasoo laga sugayo inay ku dhawaaqaan xilliga ay dhacayso.

8/31/2012 5:18 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dhawaan laga qabsaday degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay ciidammo fara badan soo dhoobtay deegaanno horay looga qabsaday oo ay ka mid yihiin Laanta Buuro iyo Lambar 50 oo u dhexeya Marko iyo Afgooye.

8/31/2012 5:17 AM EST
Jimco, Ogoosto 31, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose, C/qaadir Siidii oo ku sugan degmada Marko ayaa sheegay in degmadaas ay dhowr jeer ka dhaceen qaraxyo iyo dil loo geystay qof rayid ah, balse ay dadaal ugu jiraan sidii ay ammaanka u adkeyn lahaayeen.