Hoggaamiye kooxeedyadii ay Maxkamadda sare amartay in Baarlamaanka ay ka mid noqdaan oo weli uu muran ka taagan yahay
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Iyadoo ay maxkamadda sare ee dalka ay
amar ku bixisay in hoggaamiye kooxeedyadii uu guddiga farsamadu ka
saaray liiska ka mid noqoshada baarlamaanka ay ka mid noqdaan
baarlamaanka ayaa waxaa weli taagan muran ku saabsan ka mid noqoshadooda
baarlamaanka.
Xubnahan oo maanta ka qaybgalay kulankii
baarlamaanka ayaan la dhaarin, iyadoo la sheegay in loo saarayo guddi
gaar ah oo go'aan kasoo gaaray arrintooda maadaama qaarkood lagu bedelay
xubno beelahooda ka yimid oo loo dhaariyay inay ka mid noqoshada
xubnaha baarlamaanka.
Guddoonka cusub ee baarlamaanka iyo
xildhibaannadan ayaa kulammo gaar ah lahaa intii uu socday kulanka
baarlamaanka ee maanta, waxaana la sheegay in laga dhigay go'aan ka
gaarista arrintooda doorashada madaxweynaha kaddib.
Fadhigii
baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa hareeyay muran xooggan oo u dhexeeyay
xubno lagu bedelay hoggaamiye kooxeedyada qaarkood iyo hoggaamiye
kooxeedyada oo ku adkeysanaya in iyaga horay loogu magacaabay boosaska
lagu muransan yahay.
Lama oga go'aanka ay guddiga loo saaray
arrintan ka qaadan doonaan, iyadoo uu maanta kulanka baarlamaanka
hareeyay muran xooggan oo arrinta hoggaamiye kooxeedyada ku saabsan.
Xubnihii
maanta fadhiga baarlamaanka ka qaybgalay oo aan la dhaarin ayaa waxaa
ka mid ah: Maxamed Qanyare Afrax, Cumar Finish, Prof. Maxamed Faarax
Jimcaale, Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Sheekh Aadan Madoobe.
Guddiga
farsamada ayaa horay ugu eedeeyay xubnaha inay qabaan dambiyo dagaal
inkastoo taas uu madaxweynaha Soomaaliya gaashaanka ku dhuftay isagoo
xusay inaysan jirin maxkamad dambi ku xukuntay in baarlamaanka loo
diidana ay shaci-darro tahay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya