4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Hoggaamiye kooxeedyadii ay Maxkamadda sare amartay in Baarlamaanka ay ka mid noqdaan oo weli uu muran ka taagan yahay
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Iyadoo ay maxkamadda sare ee dalka ay amar ku bixisay in hoggaamiye kooxeedyadii uu guddiga farsamadu ka saaray liiska ka mid noqoshada baarlamaanka ay ka mid noqdaan baarlamaanka ayaa waxaa weli taagan muran ku saabsan ka mid noqoshadooda baarlamaanka.

Xubnahan oo maanta ka qaybgalay kulankii baarlamaanka ayaan la dhaarin, iyadoo la sheegay in loo saarayo guddi gaar ah oo go'aan kasoo gaaray arrintooda maadaama qaarkood lagu bedelay xubno beelahooda ka yimid oo loo dhaariyay inay ka mid noqoshada xubnaha baarlamaanka.

Guddoonka cusub ee baarlamaanka iyo xildhibaannadan ayaa kulammo gaar ah lahaa intii uu socday kulanka baarlamaanka ee maanta, waxaana la sheegay in laga dhigay go'aan ka gaarista arrintooda doorashada madaxweynaha kaddib.

Fadhigii baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa hareeyay muran xooggan oo u dhexeeyay xubno lagu bedelay hoggaamiye kooxeedyada qaarkood iyo hoggaamiye kooxeedyada oo ku adkeysanaya in iyaga horay loogu magacaabay boosaska lagu muransan yahay.

Lama oga go'aanka ay guddiga loo saaray arrintan ka qaadan doonaan, iyadoo uu maanta kulanka baarlamaanka hareeyay muran xooggan oo arrinta hoggaamiye kooxeedyada ku saabsan.

Xubnihii maanta fadhiga baarlamaanka ka qaybgalay oo aan la dhaarin ayaa waxaa ka mid ah: Maxamed Qanyare Afrax, Cumar Finish, Prof. Maxamed Faarax Jimcaale, Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Sheekh Aadan Madoobe.

Guddiga farsamada ayaa horay ugu eedeeyay xubnaha inay qabaan dambiyo dagaal inkastoo taas uu madaxweynaha Soomaaliya gaashaanka ku dhuftay isagoo xusay inaysan jirin maxkamad dambi ku xukuntay in baarlamaanka loo diidana ay shaci-darro tahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya