4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo Muqdisho kulan ballaaran kula yeeshay Ardaydii Wax ka baratay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed

Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ah Murashax u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay ardaydii wax-ka-bartay qaybaha kala duwan ee jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, isagoo kasoo noqday guddoomiyihii ardayda.

Kulankaas ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay qaar ka mid ah ardaydii ka wax-ka-bartay jaamacadda ayaa waxay uga mahadceliyeen kulanka uu soo qabanqaabiyay murashax Yuusuf Garaad, iyagoo sheegay in kulankan uu yahay mid ka tarjumaya sida ay uga go'an inuu dib u mideeyo ardaydii wax jaamacadda Ummadda.

Inj. Cabdiraxmaan Sayid Axmed oo ka mid ah ardaydii ka qalin-jabisay jaamacadda isla markaana macallin kasoo noqday ayaa wuxuu sheegay inay wax kusoo barteen canshuurtii umadda Soomaaliyeed, sidaa daraadeed qaranka Soomaaliyeed looga baahan yahay inaan u abaal-gudno.

"Qof waxbarashadiisa oo dhan ay ahayd mid lacag la'aan ah - min dugsi hoose illaa jaamacad, waxaa looga baahan yahay inuu kasoo dhalaalo kaalinta kaga beegan sama-tabixinta ummaddiisa iyo horumarka dalkiisa," ayuu yiri Inj. C/raxmaan Sayid.


Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay Gorod oo yiri: "Waxaan hadda ogaaday in waqtigii dowladdii hore aan ahayn dad la siday oo tiigsanayay ujeeddooyin ku aaddan sidii ay u hormarin lahaayeen dalkooda iyo dadkooda, marka waxaan soo jeedinayaa in dib loosoo celiyo waayahaas quruxda badan ee ina soo maray."

Xubnihii kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahayd Sahro Daaduus oo diiradda saartay doorka haweenka kaga aaddan dib u dhiska dalka, waxayna u soo jeedisay Yuusuf Garaad maadaama ay waayeen saamigii ay baarlamaanka ku lahaayeen in haddii uu guuleysto uu ka shaqeeyo sidii haweenku ay qayb ugu yeelan lahaayeen dowladda soo socota.

Musharax Yuusuf Garaad oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu la kulmo ardaydii wax ka baran jirtay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed wuxuu sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashada madaxnimo ee dalka uu sameyn doono naadi kulmiya ardaydaas si looga faa'iideysto aqoontooda.


Ugu dambeyn, Yuusuf Garaad wuxuu sheegay in haddii uu ku guuleysto xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya uu ka shaqeyn doono nabadda, dib u heshiisiinta, isagoo ka codsaday aqoonyahannadii wax ka bartay jaamacadda ummadda inay ku gacan-siiyaan sidii dalka loo samata-bixin lahaa. Isagoo intaas ku daray inuu haddii uu waayo xilka madaxweynimo uu ka shaqeyn doono horumarka dalka.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya