4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Shirweyne aqoon-yahannada Reer Awdal uga socday Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal oo lasoo gebogabeeyey
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Shirweynihii aqoonyahanka reer Awdal ee TOL ayaa lagu soo gebogabeeyey magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, kaas oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaaladaasi.

Shirweynahan aqoonyahanka ee ururka TOL ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiiro, madax dhaqameed,, aqoonyahano gudaha iyo dibadda ka kala yimid, iyo maamulka gobolka Awdal, waxaana shirkan ujeedadiisu ahayd horumarinta iyo wax ka qabashadda baahiyaha gobolka  ka jira.

Gudoomiyaha ururka TOL ee ay ku bahoobeen aqoonyahanka reer Awdal Yuusuf Aadan Qaalib ayaa u mahadnaqay dadweynihii kala soo qaybgalay shirkan iyo dhawrkii cishe ee uu socday sida looga qaybqaatay, waxaanu sheegay in wixii ka soo baxay shirkaasi loo gudbin doono dadweynaha iyo salaadiinta.

Sidoo kale, waxa iyana shirka ka hadlay madax dhaqameedka iyo culimadda shirka ka qaybgalay kuwaas oo soo dhoweeyey shirkan iyo arrimaha horumarinta ah ee lagu gorfeeyey shirka.

“Waxaa halkan lagu hayaa waa talo horumar iyo walaaltinimo lagu doonayay, waan joogay intii uu socday shirku, waxaanay ila tahay in loo bilaabay sidii ugu fiicnayd, waxan u mahadnaqayaa dhamaan inta waday shirkan”ayuu yidhi Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka mid ah madax dhaqameedka gobolka Awdal,  waxaanu intaas ku daray “ waa la noo soo bandhigay qodobadii halkan ka soo baxay, Lixda qodob ee la noo soo bandhigay waanu aragnay waanan ku qanacnay waxaanan rajaynayaa in la helo cidii meel marisa”.

Sidoo kale waxa isn shirkan iyo waxa ka soo baxay soo dhoweeyey Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo sheegay inuu shirku muhiim ah oo qofkasta tallo ka geysanayey “ Shirkan wadatashigu guul buu ku dhamaaday, hada kahor lama kulmi jirin lamina wada tashan jirin ee waa bilaw wanaagsan, waxaan jecelahay in la helo cidii ka sii amba qaadi lahayd, arintu waa guul hadaan madax dhaqameedyo nahayna waxaan diyaar u nahay inaan qaybtayada fulino oo balan aad u balaadhan ah”ayuu yidhi Suldaan Samatar.

Maayarka Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile, ayaa u mahadnaqay ka soo qaybgalka shirka iyo hawlaha horumarinta ah ee aqoonyahanku ka waddo gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci ayaa isna u mahadnaqay ururka TOL iyo waxyaalaha umadda u danta ah ee ay shacabkoodda u wadaan, waxaanu dadweynaha iyo aqoonyahanka usoo jeediyey inay isku xidhmaan oo ay wada shaqeeyaan.

Ururka tol ayaa qodobadii kasoo baxay waxay u soo bandhigeen salaadiinta si ay ula qaataan, kaas oo ay iyaguna soo dhoweeyeen, sheegayna inay tahay mid lagu horumarinayo gobolka, gobolka Awdal iyo Selel ayaa wali waxa ka jirta abaartii oo saameyn ku yeelatay Xoolaha iyo dadweynaha ku dhaqan Miyiga, halkaas oo ay dadku ku xoolo waayeen una baahan yihiin caawimo iyo in la taageero.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland