4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Dagaal khasaare dhaliyay oo dhexmaray Dad Reer Miyi ah iyo Ciidamada Liyuu Boolis ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Afar shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaal shalay ka dhacay deegaanka hawdka ka xiga degmadda Xarshin ee  gobolka Jigjiga ee Kililka shanaad, kaas oo u dhexeey dadka deegaanka iyo Ciidamadda Liyuu booliska loo yaqaan ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wararka naga soo gaadhaya deegaankaasi  dagaalku ka dhacay  oo la yidhaa Cilmi Xirsi ayaa sheegaya in afar qof ay ku dhaawacmeyn dagaalkaasi, halka ciidanka Liyuu booliskana la sheegay in laba askari ku dhinteen, wallow aan la xaqiijin Karin tirada rasmiga ah ee dhaawac ama dhimasho ee ciidamadda.

Mid ka mid ah eheladda dadkan shacabka ah ee dagaalka la galay ciidamadda Liyuu booliska ayaa sheegay in baryahan dambe uu muran xaga dhulka ahi jiray, balse wakhtiga kala guur ah ay ka faa’iidaysteen ciidamadda liyuu booliska ahi inay dadka ka raraan, kuwaas oo dadkiina diiday inay ka guuraan, taasina ay keentay dagaal dhiig ku daato.

Haseyeeshee, dagaalkan ayaa la filan karaa inuu mar kale dib ugu soo noqdo, maadaama oo qolo waliba dhankeedda isku soo abaabulayso, la iskuna hub urursanayo, waxay dadku ka cabsi qabaan in ciidamadda Liyuu boolisku ay weerar ku soo qaadaan dadkaasi reer Miyiga ah.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland