4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Kenya oo sheegtay in Dagaalyahanno Al-shababa ka tirsan ay Ciidamadeedu ku dileen Dagaal ka dhacay Jubbada Hoose
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Afhayeenka milateriga dalka Kenya oo ka mid noqday AMISOM, Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in dagaal ay Arbacadii gobolka Jubbada hoose ay Al-shabaab kaga dileen 42 dagaalyahan, tiro intaas ka badanna ay kaga dhaawaceen.

Sarkaalkan ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku qabsadeen dhul ballaaran oo ay ka talin jirtay Al-shabaab, sido kalena ay ku furteen hub isugu jiray qoryaha fudud iyo rasaas kala duwan, balse ma sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray ciidamada Kenya.

"Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM oo ay wehlinayaan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa weerar ku qaadeen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaannada Cag-libaax oo ka tirsan Bilis-qooqaani, waxaana weerarkaas lagu dilay 42 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan tiro kalena waa looga dhaawacay," ayuu yiri Chirchir.

Afhayeenku wuxuu sheegay in howgalkaas ay sidoo kale ku gubeen afar gaadiidka dagaalka ah, booyad iyo gaari kuwa xamuulka ah sahay waday, dagaalka ay kula jiraan Al-shabaabna uu sii socon doono.

"Askari ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayuu dhaawac fudud uu soo gaaray, waxaana lagu daweynayaa Dhoobley. Deegaannada ay ciidamada isbahaysanaya qabsadeen waxay ahaayeen goobo ay Al-shabaab weerarrada kasoo abaabuli jireen," ayuu yiri Chirchir.

Dhanka kale, saraakiil u hadlay Xarakada Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay inay iska difaaceen weerar ay ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya kusoo qaadeen ayna ku sugan yihiin deegaannadii ay dagaalladu ka dhaceen.

Balse goobjoogayaal ku sugan deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen ayaa laga soo xigtay in ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay ku sugan yihiin deegaanno ku dhow magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada hoose.

Xaaladda ayaa maanta daggan iyadoo wararka laga helayo gobolka Jubbada hoose ay sheegayaan in barakac uu ka socdo Kismaayo, halkaasoo ay aad ugu xooggan tahay Al-shabaab, waxayna ballanqaadeen inay difaacan doonaan magaaladaas.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya