4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 30, 2012
Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku dhintay Qarax ka dhacay Magaalada Baladweyne
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Illaa sadax askari oo ka tirsan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay afaafka hore ee degmada Baladweyne.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka ayaa sheegay in maalintii shalay howlgal ay sameynayeen ciidamada ay ku ogaadeen miino lagu aasay meel duleedka ka ah magaalada, iyadoo markaa kadibna ciidamadu isku howleen sidii ay u soo saari lahaayeen, hasse ahaateen intii ay ku guda jireen farsamada ku qaraxday.

"Ciidamadu waxaa ay isku dayeen in ay miinada ka soo saaraan goobta lagu aasay, intii ay ku guda jireen farsamadii ay doonayeen in ay ku soo saraan waa ay qaraxday, sidaana waxaa ku geeriyooday ilaa sadax askar oo ka tirsanaa ciidamada maamulka, tiro kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray," ayay sheegeen saraakiisha amniga maamulka oo ku eedeeyay miinada goobta lagu aasay in ay ka danbeeyeen Xarrakada Al-shabaab.

Ciidamada maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa Itoobiya ee  ku sugan magaalada Baladweyne ayaa inta badan howlgallo sida ay sheegeen saraakiisha maamulka lagu xaqiijinayo amaanka ka sameeya magaalada, waxaana mudada ay howlgaladaasi socdaan u suurtagasha ciidamada in ay soo saaraan walxaha qaraxa oo lagu aaso qeybo kala duwan oo magaalada ah.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan waxaa gacan ku heynteeda la wareegay 31 bishii December ee sanadkii 2011 ciidamada dowladda KMG oo gacan militari ka hellaya kuwa Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya