4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Qarax ka dhacay Bartamaha Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay iyo Askarta Dowlada oo toogtay Ruuxii Qaaraxa dhigay
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Qarax miino ayaa saakay ka dhacay baratmaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaasoo aan waxyeello geysan, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan degmada Baydhabo iyo qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka degmadaas.

Goobjoogayaal la hadlay HOL ayaa u sheegay in qaraxa uu ahaa mid xooggan uuna ka dhacay agagaarka hoteellada Kulmiye iyo Caalami, balse ay ciidamada dowladdu toogasho ku dileen ruuxii halkaas qaraxa dhigay.

"Ruuxa la dilay wuxuu ahaa qofkii qaraxa dhigay halka uu qarxay, mana jirto cid uu waxyeello gaarsiiyay isagiina waxaa toogtay ciidamada dowladda," ayuu HOL u sheegay mid ka mid ah dadka Baydhabo ku nool oo diiday in magaciisa la sheego.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay in maydka ninka la dilay uu yaalla halkii lagu toogtay ayna dad badan halkaas ku sugan yihiin si ay u arkaan, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli ay toddobaadyadii ugu dambeeyay deggenaasho ka jirtay degmada Baydhabo.

Maamulka degmada Baydhabo ayaa qaraxa ku tilmaamay mid la fashiliyay, iyagoo ku eedeeyay inuu ahaa mid ay soo abaabushay Al-shabaab oo la doonayay in dadka shacabka ah lagu waxyeelleeyo.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin qaraxa, mana ahan markii ugu horreysay oo qaraxyo noocan oo kale ah ay ka dhacaan degmada Baydhabo tan iyo marki ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya kala wareegeen Al-shabaab bishii Federaayo ee sannadkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya