4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Murashaxiinta u taagan doorashada Madaxweynimo ee Soomaaliya oo soo dhaweeyay Doorashada Prof. Maxamed Jawaari
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Murashaxiinta u tagaan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa, iyagoo ku tilmaamya waji cusub oo baarlamaanka Soomaaliya uu yeeshay.

Madaxweyne Shariif Axmed, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Maxamed Yaasiin oo dhammaantood ah murasahaxiin u taagan tartanka doorashada madaxnimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in Prof. Jawaari uu yahay shaqsi u qalma inuu hoggaamiyo baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

"Tani waxay muujinaysaa bilseylka siyaasadee ee Soomaaliya," ayay murashaxiintan ku sheegeen hadallo ay ku taageerayeen Prof. Jawaari oo ay siyaabo kala duwan uga jeediyeen Muqdisho, iyagoo rajeeyay in baarlamaanka cusub iyo hoggaankiisa ay wax badan ka bedeli doonaan siyaasadda cakiran ee dalka.

Prof. Jawaari oo ah garyaqaan 66-jir ah ayaa kusoo baxay Talaadadii 119 cod oo ka mid ah codadkii ay dhiibteen 236 xildhibaan oo doorashada ka qaybgalay, waxaana saacidday inuu ku guuleysato doorashada tanaasul uu sameeyay Prof. Cali Khaliif Galleyr oo helay 77 cod kaasoo awood u lahaa inuu la galo wareeg kale oo tartan ah.

Murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa kula taliyaya xubnaha baarlamaanka Soomaaliya in si dhex-dhexaadnimo ah ay ugu codeeyaan xubnaha u taagan xilka madaxnimo ee dalka. Iyadoo xilkan ay u taagan yihiin in ka badan 25 murashax oo qaarkood ay ka socdaan xisbiyo siyaasadeed.

Beesha caalamka ayaa indha ku haysa tartanka doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya taasoo u muuqata mid adag oo ay ku tartamayaan xubno uu u dhexeeyo loolan adag oo dhinaca siyaasadda ah.

Madaxweynaha la doorto iyo baarlamaankan cusub ayaa waxay xilka haynayaan muddo afar sano ah, iyadoo xilligaas kaddib lagu wado in shacabka Soomaaliyeed ay soo doortaan madaxweyne iyo baarlamaan cusub oo uu dalku yeesho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya