4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo laba wiil oo Walaalo ahaa ku dilay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa laba wiil oo walaalo ah ku dilay shalay gallinkii dambe xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, halkaasoo ka mid ah deegaannada ugu rabshadaha badan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxaha toogashada geystay ay markiibta goobta ka baxsadeen, iyadoo aan la garanayn cid ay ka tirsanaayeen iyo koox ay ka tirsanaayeen, mana jirto koox sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka labadan wiil ee walaalaha ah.

"Dabley bastoolado wadata ayaa shalay gallinkii dambe labada wiil ku dilay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa. Wiilasha mid ka mid ah wuxuu dhiganayay jaamacadda Simad isagoo marayay sannadkii ugu dambeeyay waxbarashadiisa, midka kalena dhawaan ayuu ka yimid dalka Sucuudiga," ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in labada wiil ay qaraabo ahaayeen, isagoo ka dalbaday hay'adaha ammaanka dowladda inay daba-gal ku sameeyaan kooxihii dilka labada wiil ee dhallinyarada ah geystay.

"Cabsi weyn ayaa jirtay tan iyo markii shalay uu dilku dhacay... ma jirto cid weli loo qabtay dilka, waxaana labada dhalinyarada ah lagu dilay boosteejada gaadiidka laga raaco," ayay tiri gabar ay ehel yihiin labadan wiil ee la dilay oo warbaahinta qaar ka mid ah la hadashay.

Degmada Huriwaa oo ka mid ah 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo noocan oo kale ah, kuwaasoo qaar ka mid ah ay mas'uuliyadooda ay sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya