4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 30, 2012
Baarlamaanka Federaalka Somalia oo Magaalada Muqdisho ku leh kulan looga hadlayo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Khamiis, Ogoosto 30, 2012 (HOL) — Kulan baarlamaanka federaalka Soomaaliya uga furmay Muqdisho ayaa waxaa hadlayaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay dhawaan ka dhacdo Muqdisho, waxaana kulanka shir guddoominaya Prof. Maxamed Sheekh Cimsaan Jawaari oo dhawaan loo doortay afhayeenka cusub ee baarlamaanka.

Kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa ka qaybgalaya xubnihii dhawaan loo diiday inay baarlamaanka ka mid noqdaan, waxaana safka hore fadhiya xubnihii 15-ka ahaa ee dhawaan ay maxkamaddu ogolaatay inay ka mid noqdaan baarlamaanka kuwaasoo ay ka mid yihiin: Maxamed Qanyare Afrax, Prof. Maxamed Faarax Jimcaale, Bootaan Ciise, Sheekh Aadan Madoobe, Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo kuwo kale.

"Kulankeenna maanta waxaa looga hadlayaa doorashada madaxweynaha, xubin la dhaarinayana ma jirto," ayuu yiri Prof. Jawaari oo kulanka furay, waxaana kulanka goob-joog ka ah wufuud ka socota beesha calaamka si ay ula socdaan sida uu u dhacayo kulankan oo looga doodayo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Murashaxiin fara badan ayaa u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin: madaxweyne, Shariif Axmed, guddoomiyihii baarlamaanka, Shariif Xasan iyo ra'iisul wasaarihii hore, C/weli Maxamed Cali.

Afhayeenka cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay markii la doortay in khudbaddiisa uu dib ugu dhiganayo illaa maalinta Khamiista ah oo maanta ku beegan iyadoo laga warsugayo waxyaabaha uu kaga hadli doono khudbaddiisa.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa iyagana lagu wada inay khudbado u jeediyeen xildhibaannada baarlamaanka, iyadoo la ogyahay in baarlamaanka aan KMG ahayn ay horyaallaan howlo fara badan oo wax ka qabashadooda laga sugayo.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii waa markii ugu horreysay oo baarlamaan joogto ah ay yeelato Soomaaliya, iyadoo baarlamaanka la sheegayo inuu billow u yahay ka bixitaanka xilliga KMG ah ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya