4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2012
Dagaal u dhexeeya Ciidamada Soomaaliya, Kenya, Raaskambooni iyo Al-shabaab oo ka socda Gobolka Jubada Hoose
Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa saaka ka qarxay deegaanka Cag-libaax ee duleedka Afmadow, iyadoona dagaalku yahay mid xooggan.

Wararka aynu ka heleyno degmada Afmadow ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay saaka weerar qorsheysan ku qaadeen saldhig ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Cag-libaax ee duleedka Afmadow, waxaana dagaalku uu ka soconayaa dhulka howdka ah ee isku xira Afmadow iyo deegaanka Birta dheer.

Goobjooge ku sugan degmada Afmadow ayaa HOL u sheegay in saaka ay arkayeen ciidamo aad u tiro badan oo isugu jira kuwa dowladda iyo Kenya oo ku qalabeysan gaadiidka dagaalka iyo taangiyo oo u sii dhaqaaqaya dhanka deegaanka uu dagaalka xooggan ka socdo ee Cag-libaax.

Saraakiil katirsan dowladda KMG oo aan xiriiro la sameynay ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan dagaal saaka ka qarxay deegaanka Caglibaax.

Illaa imika lama garanayo khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana wararku sheegayaan in dagaalku yahay mid aad u xooggan islamarkaasina ay labada dhinac isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wixii kusoo kordha dagaalkaasi wararkeena danbe ayaan idinku soo gudbin doonnaa Insh’allah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya