4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2012
Ciidammo ka tirsan Booliiska dalka Kenya iyo dad shacab ah oo ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Magaalada Mombasa

Arbaco, Ogoosto 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo saddex ka mid ah ay ka tirsan yihiin booliiska Kenya iyo qof rayid ah ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay magaalads Mombasa ee dalka Kenya, waxaana qaraxyadan ku dhaawacmay 16 ka tirsan booliiska Kenya.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta ayaa waxaa lala beegsaday ciidammo isku dayay inay joojiyaan rabshado ay sameynayeen muslimiinta ka caroday dil Isniintii lasoo dhaafay loogu geystay magalaadaas wadaad caan ah oo lagu magacaabi jiray Cabdow Rogo Maxamed.

"Waxaa rabshadaha socda nooga dhintay laba askari iyo hal sarkaal, dhamaantood waxaa lagu dhaawacay weerarro bam oo dhacay xalay iyo shalay gallinkii dambe," ayuu yiri Aggrey Adoli oo ah taliyaha booliiska gobolka xeebta ku yaalla ee dalka Kenya.

Boqollaal dhallinyaro ah oo careysan ayaa rabshadaha ka socda Mombasa qayb ka ah kuwaasoo dhagaxaan la beegsanaya meel walba, sidoo kalena gubay gaadiid iyo dukaammo, sidoo kalena waxay galeen kaniisado iyagoo qaatay wixii halkaas dhex-yaallay.

Dadka ajnabiga ah ee ku nool Kenya ayaa loogu baaqay inaysan u safrin magaalada Mombasa oo 500-km bari kaga beegan magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, iyadoo dowladda Kenya ay isku dayaysaa inay joojiso rabshadaha oo uu muuqda kuwo sii baahaya.

"Waxaa nooga dhaawacmay rabshadaha socda 16 askari oo qarkood ay xaaladoodu aad u adag tahay," ayuu yiri sarkaal booliiska Kenya ka tirsan, iyadoo ciidammo fara badan oo Kenya lagu arkayo gudaha degmadaas.

Dilka Sheekh Rogo ayay booliisku sheegeen inay ka dambeeyeen kooxo hubeysna oo aan la garanayn, kaddib markii ay ku weerareen gaari mini-bus ah oo xaaskiisa iyo caruurtiisa ay la saarnaayeen, lamana oga khasaaraha gaaray qoyskiisa.

"Muslimiintu waa inay jawaab bixiyaan, waa inay isku duubni u muujiyaan gaalada ayna qaataan go'aan walba oo ayna ka difaacaan diintooda, sharafkooda, hantidooda iyo naftooda cadowga Islaamka," ayay Al-shabaab ku sheegtay war ay soo saartay.

Dhallinyaro careysan ayaa ku qaylinayay in la dilay wadaad ay aad u jeclaayeen waxayna dilkiisa ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen masiixiyiin ay sheegeen inay booliiska gacan-saar la leeyihiin.

Xukuumadda Washington iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Sheekh Rogo uu xiriir adag la lahaa Al-shabaab, sidoo kalena uu dhallinyarada Kenya ku guubaabin jiray inay u dagaalamaan Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya