4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2012
Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka kaddib markii uu tanaasulay Prof. Galleyr
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Prof. Maxamed Cismaan Jawaari uu si rasmi ah u noqday afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya kaddib markiii uu tanaasulay Prof. Cali Khaliif Galleyr oo ay isugu soo hareer wareeggii ugu dambeeyay.

Guddiga ayaa sheegay in Prof. Jawaari uu helay wareeggii koowaad 119 cod halkii laga doonayay 139 cod, balse tanaasulka uu sameeyay Prof. Galleyr ay sababtay inuu noqdo guddoomiyaha rasmiga ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wareeggii koowaad ee doorashada ayaa shanta murashax ee xilka u tagaan waxay kala heleen Prof. Jawaari oo helay 119 cod, Prof. Cali Khaliif Galleyr oo 77-cod helay, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo helay 23-cod, C/rashiid Maxamed Xiddig oo helay 10-cod iyo Xasan Abshir Faarax oo helay shan cod.

Saddexda murashax ee ugu codadka yaraa ayaa waxay ku dhawaaqeen inaysan ka qaybgalay doorashada wareegeedda labaad, iyadoo markaas ay isku soo hareen oo keliya Jawaari iyo Galleyn, inkastoo Galleyr uu mar dambe ku dhawaaqay inuusan ka qaygalay doorashada, taasina ay keentay in Prof. Jawaari uu noqdo guddoomiyaha baarlmaanka Soomaaliya.

Guddigu waxay sheegeen in 236 xildhibaan ay codadkooda dhiibteen, laba cod ay xumaadeen intii kalena la tiriyay, iyadoo dugsiga tababarka booliiska oo doorashadu ay ka dhacaysay aad loo adkeeyay ammaankeeda, waxaana halkaas ku sugnaa ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM.

Maanta ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay muddo 21-sano ah oo ay Soomaaliya yeelato baarlamaan joogto ah, kaasoo ah hay'adda sharc-dajinta dalka, iyadoo ay billaabanayso doorashada guddoomiye ku xigeennada baarlamaanka.

Xarunta ay doorashadu ka socoto ayaa waxaa lagu dhaariyay 23 xildhibaan oo 13 ka mid ah ay ahaayeen kuwii horay ay guddiga farsmadu dib u celiyaan, balse ay maanta ogolaaday maxkamadda sare inay ka mid noqdaan baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya