4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2012
Tirinta Codadka Doorashada Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo socota
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Dusiga sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka socota hadda tirinta codadka ay dhiibteen 228 xildhibaan oo soo xaadiray kulanka lagu dooranayo guddoonka sare ee baarlamaanka.

Tirinta codadka oo qarsoodi ahaa ayaa waxaa ku horreeya murashaxiinta kala ah: Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, Prof. Cali Khaliif Galeyr iyo Xasan Abshir Faarax, iyadoo labada murashax ee kale oo kala ah C/rashiid Maxamed Xiddig iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyagana ay codad heleen.

Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo 72-jir ah ayaa ku sugan xarunta codeyntu ay ka dhacayso, isagoo ahaa mudanihii ugu horreeyay ee codkiisa dhiibtay.

Wareegga labaad ayaa waxaa lagu wadaa inay ku tartamaan saddexda murashax ee ugu codka badan, iyadoo wareegga ugu dambeeyay ay ku tartami doonaan labadii murashax ee isku hara.

Ammaanka dugsiga tababarka booliiska oo ay codeyntu ka socoto ayaa waxaa si aad ah u adkeeyay ammaankeeda ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.

La soco natiijada codeynta kasoo baxda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya