4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2012
Kulan balaaran oo lagu Taageerayay Xildhibaannada Beelaha Jareer-Weyne uga mid noqday Baarlaaanka oo Muqdisho lagu qabtay
J.WEYN.jpg

Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Kulan lagu taageerayay beelaha Jareer-weyne uga mid noqday baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen nabaddoono, siyaasiyiin, aqoon-yaahnno, haweenka iyo  iyo dhalinyarada beelaha.

Kulankan oo shalay dhacay ayaa waxaa xubnihii ka qaybgalay ka mid ahaa xubnihii hore ee baarlamaanka ugu jiray beeshan iyo kuwa cusub, iyadoo intii kulanku uu socday ay isku dhaafsadeen xubnihii ka qaybgalay warbixinno ku saabsan sidii looga shaqeyn lahaa horumarka dalka.

Nabaddoon Axmed Abeey oo kasoo jeeda gobolka Shabeellada Dhaxe oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan tirada ay baarlamaanka federaalka ku yeesheen, isagoo ka dalbaday xildhibaannada inay ka shaqeeyana danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

"Waxaad ku mahadsan tihiin kasoo qeyb-galka kulankan oo ah mid lagu taageerayo xildhibaannada beelaha Jareerweyne uga mid noqday baarlamaanka, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa xildhibaanka Maxamed Cumar Ceymooy oo dadaal badan ku bixiyay in halkan ay isugu yimaadaan waxgaradka beelaha Jareer-weyne," ayuu yiri Xasan Axmed Muudey oo ka mid ah siyaasiyiinta beelahan.

J.WEYN2.jpg

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo isaguna goobta ka hadlay ayaa yiri: “Waxaan leennahay taariikh soo jireen ah oo aan la qaldi karin, siyaasadanna waa mid aan u taagan nahay inaan wax ugu qabanno shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka kasoo jeeda Jareer-weyne.”
 
Xildhibaanad Maryan Aweys Juma oo aad ula dhacsanayd kulanka lagu taageerayay xildhiabaada cusub ayaa iyaduna tiri: “Waa markii iigu horreysay oo aan kasoo qayb-galo kulan ay isku yimaadeen dad aad u tiran badan oo Jareer-weyne ah inta aan ku sugaan Muqdisho ama golaha wasiirrada ku jiray. Tani waxay igu dhiirri-gelinaysaa inaan guto waajibaadka iyo xaqa aad igu leedihiin ee xildhibaanimo, sidoo kale waxaan ballan-qaadayaa inaan talooyinkii u dhego nuglaado.”

Wasiiraddii hore ee haweenka ayaa waxay hadalkeeda kusoo gabgabeysay inuu ka timir la'yahay qalbigeeda dadka soo barakacay oo xeryaha qaxootiga ay talaabadu ku hayso, iyagoo hooyooyinka kula dar-daarntay inay caruurta wax baraan.

Ugu dambeen, waxaa ka hadashay xildhibaanka gacanta weyn ka geestay kulanka , xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy oo u mahad-celiyay dhammaan kasoo xubnihii kulanka soo xaadiray, waxuuna sheegay inuu dadaal badan u galay sidii uu uga mid noqon lahaa xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo xusay inuu kasoo dhalaali doono waxyaabaha looga baahan yahay.

J.WEYN3.jpg
J.WEYN4.jpg
J.WEYN6.jpg
J.WEYN5.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya