3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2012
Hay'adda Cunnada iyo Beeraha Adduunka ee FAO oo sheegtay in shaqaalaheeda mid ka mid ah lagu dilay degmada Marko
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Hay'adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay degmada Makro ee xarunta ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay hay'addu ay ku leedahay xarun weyn.

Yaasiin Maxamed Xasan oo ah ruuxa la dilay ayaa wuxuu ka mid ahaa dhowr qof oo kooxo bastoolado ku hubeysan ay ku dileen degmada Marko ka hor intii aysan ka bixin shalay oo Isniin ahayd.

"Waxaan tacsi u diraynaa qoyska iyo asaabta Yaasiin Maxamed Xasan oo aroortii hore ee Isniintii lagu dilay Marko," ayuu yiri madaxa haya'dda FAO, José Graziano da Silva. isagoo intaas ku daray. "Waxaan filaynaa in dilkiisa uu ka dhashay cabsi laga qaaday dagaallo halkaas ku wajahnaa."
 
Hay'addu waxay sheegtay in Xasan oo 32-jir ahaa uu howlwadeen ka ahaa howlo caawinaad iyo dib u dhis ah oo ay FAO ka waday degmada Makro iyo deegaannada ku dhow-dhow ee gobolka Shabeellada hoose.

Warsaxaafadeed ay haya'dda cunnada iyo beeraha dunidu soo saartay ayay ku sheegtay in tan iyo markii ay dillaacday macluushii Soomaaliya bishii July 2011 ay hay'addu ka waday gobolka Shabeellada hoose mashaariic ay ku caawinayso beeraleyda gobolkaas si ay uga soo kabtaan abaarihii sababay macluusha.

Ugu dambeyn, hay'addu waxay sheegtay in 100 shaqaale ah ay Soomaaliya oo dhan uga howgalaan, iyadoo ka mahadcelisay howsha ay shaqaalahaas ka wadaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan goobaha khatarta badan.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay tan iyo sannadkii 2010 ka mamnuucday inta badan hay'adaha samafalka gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobay inay ka howlgalaan deegaannada ay ka taliyaan, iyagoo ku eedeeyay jaajuusnimo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya











Click here
8/28/2012 3:43 PM EST
Talaado, August 28, 2012(HOL): Waxaa goor dhaweyd soo gebagebowday doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay isu soo taageen illaa 10 musharrax.

8/28/2012 9:56 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Prof. Maxamed Cismaan Jawaari uu si rasmi ah u noqday afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya kaddib markiii uu tanaasulay Prof. Cali Khaliif Galleyr oo ay isugu soo hareer wareeggii ugu dambeeyay.

8/28/2012 9:54 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaciyey waxyaalaha looga baahan yahay xisbiyadda, ururadda iyo musharaxiinta laga rabo.

8/28/2012 8:28 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Iyadoo dhawaan ay xukuumadda Soomaaliya u magacowday safiir dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa guddiga taakuleynta safaarada Soomaaliya ee gobolka Westren-Cape waxay sheegeen inay ku dhawaaqi doonaan bilaabidda qaabkii loo aruurin lahaa dhaqaalihii lagu dhisiyo guriga safaaraddu ay degi lahayd.

8/28/2012 6:32 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa laga dareemayaa deegaanada galbeed ee gobolka Jubada hoose, iyadoona dhaqdhaqaaqyada ciidan ay saameyn xooggan ku yeesheen shacabka ku dhaqan qeybo katirsan gobolka Jubada hoose.

8/28/2012 6:23 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Dusiga sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka socota hadda tirinta codadka ay dhiibteen 228 xildhibaan oo soo xaadiray kulanka lagu dooranayo guddoonka sare ee baarlamaanka.

8/28/2012 6:05 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Kulan lagu taageerayay beelaha Jareer-weyne uga mid noqday baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qaybgaleen nabaddoono, siyaasiyiin, aqoon-yaahnno, haweenka iyo iyo dhalinyarada beelaha.

8/28/2012 3:30 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xaaladda degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose ayaa daggan saakay, kaddib markii xoogaggii Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaas, sidoo kalena ay ciidammo ka tirsan oo xafado ka mid ah degmadaas galay ay dib uga baxeen isla shalay.

8/28/2012 3:20 AM EST
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa maanta oo Talaaso ah lagu dooranayaa guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo inta badan xubnihiisa la dhaariyay toddobaadkii hore.