4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2012
Xaaladda Degmada Marko oo Maanta daggan iyo Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo dib uga baxay kaddib markii ay shalay galeen
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Xaaladda degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose ayaa daggan saakay, kaddib markii xoogaggii Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaas, sidoo kalena ay ciidammo ka tirsan oo xafado ka mid ah degmadaas galay ay dib uga baxeen isla shalay.


Goobjoogayaal ku sugan degmada Marko ayaa sheegay inaysan jirin wax ganacsi ah oo saakay ka furay gudaha degmadaas, sidoo kalena socodkii dadku uusan jirin sababo la xiriira iyadoo dadku ay baqdin ka qabaan in dhibaatooyin ay dhacaan.

"Xaaladdu waa daggan tahay, mana jirto cid hadda ku sugan gudaha degmada, xalay oo dhan cabsi ayaa jirtay dadkuna saakay waxay ku sugan yihin guryahooda," ayuu yiri goobjooge magaciisa qariyay oo ku sugan degmada Marko.

Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in xoogaggii Al-shabaab ay shalay isaga baxeen degmada ciidamada dowladduna aysan weli si buuxda u soo gelin degmada inkastoo ay shalay xaafado ka mid ah gaareen, balse ay dib uga baxeen.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee hoggaaminaya dagaalka ayaa sheegay inay dib uga baxeen degmada, balse ay rajeynayaan inay ammaankeeda la wareegaan xilli aysan shaacin.

Degmada Marko oo 90-km Koonfur kaga beegan Muqdisho ayaa waxaa tan sannadkii 2008 gacanta ku haysay Al-shabaab, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in tan iyo xilligaas ay ammaan ahayd degmada, basle aysan garanayn waxay mudan doonaan marka uu xukunku isbedelo.

Xarunta maamulka gobolka iyo saldhigga booliiska ayaa markii degmadaas ay isaga baxeen shalay xoogaggii Al-shabaab waxaa boobay dadweyne careysan, kuwaasoo qaatay agabkii halkaas ay uga tageen maamulkii gacanta ku hayay degmada.

Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay in qabsashada degmada Marko ay wadada u xaarayso in la qabsado degmada Kismaayo oo 500-km Koonfur ka xigta Muqdisho ahna magaalada ugu weyn ee Al-shabaab haysato.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya