4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2012
Guddoomiyaha iyo Ku-xigeennada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta lagu dooranayo Magaalada Muqdisho
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa maanta oo Talaado ah lagu dooranayaa guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo inta badan xubnihiisa la dhaariyay toddobaadkii hore.


Doorashada ayaa waxay ka dhacaysaa dugsiga tababarka booliiska (Scola Polisio), halkaasoo ammaankeeda aad loo adkeeyay, waxaana ku qulqulaya xildhibaannadii baarlamaanka ee la dhaariyay iyo kuwo la doonayo in isla maanta la dhaariyo si ay doorashada uga qaybgalaan.

"Maanta oo Talaado ah ayay dhacaysaa doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa," ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada guddoonka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim oo intaas ku daray. "Waxaa la filayaa inay doorashada ka qaybgalaan xildhibaanno gaaraya 260 xildhibaan oo qaarkood la dhaarin doono intaysan doorashadu billaaban,"

Kulanka lagu dooranayo guddoonka baarlamaanka ayaa waxaa shir-guddoomin doona guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka, Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo loo doortay toddobaadkii hore inuu hoggaamiyo baarlamaanka inta ay doorashadu ka dhacayso.

Xilka guddoomiyaha baarlaamanka ayaa waxaa u taagan shan xubnood, iyadoo ku xigeenka koowaad ay u taagan yihiin 11 xubnood, halka guddoomiye ku xigeenka labaadna ay u taagan yihiin afar xubnood oo kaliya.

Shanta xubnood ee u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxay kala yihiin: Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Prof. Cali Khaliif Galeyr, C/rashiid Maxamed Xiddig, Xasan Abshir Faarax iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Doorashadan ayaa waxaa xigi doona doorashada madaxweynaha oo ay go'aan ka gaari doonaan guddoonka cusub ee lasoo dooranayo, iyadoo sidoo kale ay xilka madaxweynaha Soomaaliya u taagan yihiin in ka badan 25-murashax oo ay ku jiraan madaxda dowladda xilligeedu dhammaaday ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya