4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Rabshado ka dhashay dil loo gaystay nin wadaad ah oo ka soconaya magaalada Mombasa ee dalka Kenya
Isniin, August 27, 2012 (HOL) - Rabshado uu dhiig ku daatay ayaa ka soconaya magaalada Mombasa ee xarunta gobolka xeebta ee Kenya.
 
Dagaal gacmaha la isula tagay ayaa dhex maraya ciidamada ammaanka iyo dhalinyaro muslimiin ah, kuwaasoo ka caraysan dilkii maanta loo gaystay sheekh Cabuud Rogo oo kamid ahaa calumaa'udiinka magaalada Mombasa oo lala xiriiriyay inuu taageero siiyo kooxda Alshabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.
 
Dhalinyarada ayaa dab qabadsiiyay kaniisad ku taallay magaalada Mombaasa, waxayna ku gooyeen jidadka taayiro olalaya, iyagoo sidoo kalana laga hor istaagay markii ay weerareen kaniisado kale oo ku yaalla magaaladaasi.
 
Waxaana ay dibad baxayaashu ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah kiristaanka oo ku tiroyar magaaladas oo ay ku xoogbadanyihiin muslimiintu.
 
Waxaa wararku ay sheegayaan in hal qof uu ku dhintay iska horimaadyada soconaya, halka tobonaan kale oo ay dhaawacyo soo gaareen loo qaaday isbitaallada.
 
Dilka Sheekh Cabuud Roogo ayaan la xaqiijin cida ka dambaysay, booliska Kenyana waa ay ka gaabsadeen inay beeniyeen ama rumeeyaan dilkiisa oo lagu eedeeyay ciidamada ammaanka.
 
Balse ciidamada booliska ayaa xaqiijiyay in rag hubaysani ay soo dabagaleen gaarigiisa, isagoo ayla socdeen xubno kamid qoyskiisa ayna ku toogteen deegaanka Bambuuri oo ka tirsan magaalada Mombasa.
 
Wadaadkan ayaa Maraykanku ay ku dareen liiska shakhsiyaadka gacanta siiya argagixisada, waxaana uu khudbooyinkiisa ku taageeri jiray ururka Alshabaab ee ka dagaallama Soomaaliya, isagoo Maraykankana ku eedayn jiray inuu faragalin qaawan ku hayo arrimaha gobolka.
 
Kenya ayaa wadaadkan dhowr goor oo hore maxkamad soo taagtay, balse waxaa lagu sii daayay damaanad.
 
Rabshada ka dhalatay dilkiisa ayaa laga baqayaa inay wax u dhinto xasiloonada magaalada Mombaasa oo kamid ah goobaha ugu ammaanka badan dalka Kenya.
 
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya