4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Xisbiga UDUB oo Shirweynihiisii Golaha Dhexe ku doortay Musharaxiinta uga qayb-geli doona Doorashada Madaxtooyada

Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ee Somaliland, ayaa maanta shirweynihiisii golaha dhexe ku qabsaday hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo ay iskugu yimaadeen 105 ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.

Shirweynahan ayaa wax ka bedel lagu sameeyey xeerarkiisa, waxaana lagu soo kordhiyey inuu xisbigu yeesho ku xigeeno, isla markaana gudoomiye ku xigeenkii xisbiga Axmed Yuusuf Yaasiin oo dhowaan sheegay inuu xilkii xisbiga uu iska casilay golaha cod looga qaaday in laga aqbalo, halkiisiina lagu bedelo xubno kale oo buuxin doonna, taasna waa laga aqbalay.

Sidoo kale, waxa wax ka bedel lagu sameeyey waxa la kala saaray hogaanka xisbiga iyo musharaxiinta xisbigu yeelan doono, iyadoo gudoomiyaha xisbiga uu ahaan doono gudoomiyaha imika Md: Daahir Rayaale Kaahin, halka musharaxiinta loo doortay Md: Cali Maxamed Warancade inuu musharax madaxweyne u noqdo xisbiga, halka musharax madax weyne ku xigeenka loo doortay Md:Axmed Xaaji Daahir Cilmi, waxa kale oo dib loo dhigay in la doorto xoghayaha guud iyo ku xigeenkiisa oo loo xilsaaray inay guddida fulintu soo dooraan doonaan.


Halkaas waxa hadalo warbixino ka soo jeediyey wakiiladda goboladda, kuwaas oo sheegay in taageerayaashii goboladu ay sugayaan xisbiga, isla markaana si weyn u taageersan yihiin.

Shirweynaha waxa kala soo qaybgalay Xaaji Cabdi Waraabo oo ka mid odayaasha golaha guurtida, isla markaana ah Oday boqol iyo dheeraad jiray, waxaanu ka waramay taariikhdii hore ee gumaystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga, wakhtigii ay dawladdii Somalia burburtay iyo waayo badan oo uu u joogay, waxaanu xisbiga kula dardaarmay in aanay cay iyo aflagaado ku galin doorashada ee ay noqdaan xisbi si degan ku gala olola doorashooyinka, maadaama oo xisbigani yahay hooyadii xisbiyada.


Musharaxiintaa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka u istaagi doona xisbiga UDUB Md: Cali Maxamed Warancade iyo Md: Axmed Xaaji Daahir, ayaa dadkii u codeeyey u mahadnaqay, waxaanay sheegeen inay hawsha xisbiga iyo dardartiisa ay bilaabi doonaan.

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo ah gudoomiyaha xisbiga UDUB, Md:Daahir Rayaale Kaahin ayaa musharaxiinta kula dardaarmay inay hawlaha xisbiga iyo shaqadiisa ay dardar galiyaan, isla markaana shirar la galaan wakiiladda xisbiga ee goboladda.

 “jagooyinka banaan ee la magacaabin waxaanu ku soo dhoweynaynaa ururadda uu wada hadalku noo socdo ee ku soo biiri doonno xisbiga UDUB”ayuu yidhi Daahir Rayaale oo ka hadlayey boosas ka banaan xisbiga iyo cidda ay ka dhigi doonaan, waxaanu intaas ku daray “ragga musharaxiinta ah waxaan leeyahay waa inaad balan cad la gashaan ragga ka socda gobolada, oo aad u diyaar garowdaan goleyaashii deegaanka”.



“ilaahay waxaan ka rajaynayaa inay guul arrimaheenu ku dhamaadaan, Somaliland-na halkii ay UDUB ka soo bilowday iyo halka ay kaga tagtay ummadda ayaa og, waxna ka sheegi maayo”ayuu raaciyey gudoomiyuhu.

Xisbiga UDUB ayaa waxa uu wad hadal u socdaa shan ka mid ah ururadii ku hadhay diiwaangelinta, haseyeeshee, lama hubo inay ku biiri doonaan maadaama oo shirweynaha ka hor ahayd inay wax isku soo afgartaan, iyagoo wada socdana shirweynaha ay u dhan yihiin wada samaystaan.


Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland