4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 27, 2012
Maxkamadda Sare ee dalka oo lagu wado inay Maanta go'aan kama dambeys ah ka gaarto Xildhibaannadii dib loo celiyay

Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa sheegay in maxkamadda sare ay go'aan kama dambeys ah ka gaari doonto maanta oo Isniin ah dacwadaha xildhibaannadii loo diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Garyaqaan Ilko-xanaf ayaa sheegay in guddiga farsamo ee xulista baarlamaanka ay u direen fariimmo ku saabsan inay ka hadlaan sababihii ay xildhibaannadu u diideen inay ka mid noqdaan 275 xubnood ee baarlamaanka uu ka kooban yahay.

"Haddii guddiga farsamo ay imaan waayaan maxkamadda waxaan go'aan cad kasoo saari doonnaa xildhibaannada la diiday," ayuu yiri garyaqaan Caydiid Ilko-xanaf oo aan sheegin wuxuu noqon doono go'aankooda kama dambeysta ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ee xilligiisu sii dhammaanayo Shariif Sheekh Axmed ayaa habeen hore sheegay in dacwadda ku saabsan xildhibaannada la diiday ay go'aan ka gaari doonto maxkamadda sare.

Xubnaha guddiga ayaa diiday inay hortagaan maxkamadda shalay, inkastoo laga sugayo inay maanta ugu dambeyn tagaan maxkamadda, waxaase horay maxkamada u tagay xildhibaannada la diiday oo qabsaday garyaqaanno u dooda.

Guddiga farsamada ayaa xidhibaannada ay dib ugu celiyeen odayaashii soo xulay waxaa loo haystaa dambiyo dagaal, iyadoo taasi uu madaxweynuhu gaashaanka ku dhuftay kuna tilmaamay mid aan sharci ahayn, maadaama aysan jirin maxkamad dambi ku caddeysay.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa isaguna sheegay inuu qabin in loo diido xildhibaannadaas inay ka mid noqdaan baarlamaanka maadaama aan lagu hayn wax dambiyo ah oo cad-cad.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya