4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Tabriibayaal Soomaliyeed oo dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay iska-horimaad ka dhacay dalka Yemen

Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Laba ka mid ah tahriibayaal Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dalka Yemen shan kalena waa lagu dhaawacay kaddib iska-horimaad ku dhexmaray ciidamada ammaanka Yemen iyo kooxo hubeysan oo burcad ah meel ku dhow xerada qoxootiga Al-Qaras oo ay ku jiraan Qoxooti Soomaaliyeed ku taalla gobolka Laxaj ee Koonfurta dalka Yemen.

Tahriibayaasha dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay ka mid ahaayeen 77-tahriibe oo ay kooxaha hubeysani afduub ahaan uga soo qabsadeen baabul-madab oo ah halka ay qoxootiga Afrikaanka ah ka galaan dalka Yemen.

Wariye ka tirsan VOA-da oo ku sugan dalka Yemen ayaa sheegay in tabriibayaasha afduuban ay isugu jireen 50-oromo ah iyo 27-Soomaali ah, qoxootiga Soomaalida ah ee uu khasaaraha gaarayna ay saarnaayeen gaarigii ugu dambeeyay ee kooxaha hubeysani ay wateen.

Ma sheegin wariyuhu in kooxihii afduubayaasha ahaa laga furtay qoxootigii ay wateen iyo in kale, waxaase dalka Yemen xilliyadii ugu dambeysay loo qabsanayay tariibayaasha qaab afduub ah si loogu sii daayo lacago madaxfurasho ah.

Qoxooti fara badan oo Soomaali ah ayaa ku sugan dalka Yemen, kuwaasoo qaar ka mid ah loo haysto afduub looga doonayo lacago, waxaana dadka aan lacagaha laga doonayo laga bixin ay kooxaha haysta u geystaan jir-dillo aad u xooggan.

Ciidamada ammaanka ee dalka Yemen ayaa dhowr jeer oo hore xoog ku furtay dad afduub loo haysto oo Soomaali u badan, iyadoo haween ka mid ahaa dadkaas lasoo furtay ay sheegeen in kufsi wadareed loo geysan jiray maalin walba.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya