4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 27, 2012
Abwaan Max'ud Goox Qarboosh oo xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Isniin, Ogoosto 27, 2012 (HOL) — Abwaan Maxamuud Goox Qarboosh oo ka mid ah fannaaniinta iyo abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo labadii maalmood ee ugu dambeyay uu xanuun ku hayay.

Marxuumka oo sannadihii ugu dambeeyay ku noolaa magaalada Nairobi ayaa waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla xaafadda Islii, isagoo u dhintay xanuun wadnaha ka asiibay.

"Xanuun labadii casho ee lasoo dhaafayay hayay ayuu u geeriyooday abwaanku, wuxuuna ku dhintay isbitaal ku yaalla xaafadda Islii," ayuu yiri fannaan ka mid ah kuwa ku sugan magaalada Nairobi.

Fannaanta ayaa sheegay inay marxuumka maanta aas weyn ugu sameyn doonaan xaafadda Islii, iyagoo xusay inuu xiliyadii ugu dambeeyay ku mash-quulsanaa heeso guubaabo ah oo Soomaalida uu u sameynayo.

Marxuumka xilliyadii dagaalladu ka soceen Soomaaliya ku sugnaa Muqdisho ayaa u wareegay magaalada Nairobi labadii sano ee ugu dambeysay, halkaasoo isaga iyo qoyskiisu ay deggenaayeen.

Abwaan Qarboosh oo ka dhex-muuqday fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa wuxuu ifka uga tagay shan caruur ah iyo hal xaas, waxaana uu ka mid noqnayaan fannaaniin iyo abwaanno dhowr ah oo ku dhintay dalka Kenya uu Soomaaliya burburka ka jiray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya