4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Matoor Dab-dhaliye ah ugu deeqday Isbitaalka Keysaney ee Magaalada Muqdisho


Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ugu deeqday Isbitaalka Keysaney oo ku yaalla duleedka bari ee Muqdisho kana mid ah isbitaallada fara ku tiriska ah ee ka shaqeeya Muqdisho martoo kuwa dabka dhaliya ah oo xooggiisu yahay (125 Kv), taasoo ay mas'uuliyiinta shirkaddu sheegtay inay uga jawaabaysay codsi uga yimid maamulka Isbitaalka.

Martoorkan ayaa waxaa maamulka isbitaalka ku wareejiyay mas'uuliyiin ka socday shirkadda Hormuud, waxaana tani ay qayb ka tahay deeqo noocan oo kale ah oo ay shirkaddu u qaybisay isbitaallada kale ee Muqdisho ku yaalla.

Cali Sheekh Yaasiin oo ka mid ah waaxda xariirka guud ee shirkadda Hormuud ayaa faahfaahin ka bixiyay matoorka isagoo sheegay in markii ay ogaadeen baahida dab ee ka jirta isbitaalka ay go'aansadeen inay ku wareejiyaan matoorka oo ah mid dabooli kara baahida dhinaca dabka ah ee isbitaalka.


Madaxa maamulka isbitaalka Keysaney, Dr. Cali Bile oo isaguna munaasabadda ay kula wareegeen martoorka ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey shirkadda Hormuud sida ay uga soo jawaabeen codsigooda, wuxuuna sheegay in matoorradii hore ee isbitaalaka ay dabooli waayeen baahida xagga dabka ee haysata.

Sidoo kale, Dr. Cali Bile wuxuu xusay in shikadda Hormuud ay tahay shirkad gacan ka geysata baahiyaha isbitaallada Muqdisho, sidoo kalena caawisa dadweyaha Soomaaliyeed.

Ma ahan markii ugu horreysay ee shirkadda Hormuud ay isbitaalada deeq gaarsiiso, iyadoo shidaal & agab kale horay u gaarsiisay isbitaallada Banaadir, Madiina iyo weliba Isbitaalka Keysaney.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya