4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Murashaxiinta u Taagan Xilalka Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo Khudbado u jeedinaya Xildhibaannda
Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Kulan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya uga socda dugsiga tababarka booliiska ee Muqdisho (Iskoola Bulusiyo) ayaa waxay ku dhageysanayaan khudbadaha xubnaha u taagan xilalka guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo isla goobta uu ku tanaasulay Prof. C/risaaq Cismaan Xasan (Jurille) oo ka mid ahaa murashaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.


Xildhibaannada fadhiga maanta soo xaadiray ayaa waxay tiradoodu gaaraysay 190 mudane oo ka mid ah 211 xildhibaan ee la dhaariyay horraantii toddobadkii hore, iyadoo shirkan uu guddoominayo guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Jen. Muuse Xasan Cabdulle.

Murashaxiinta illaa hadda khudbadahooda jeediyay ayaa waxay kala yihiin: Prof. Cali Khaliif Galeyr, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, C/rashiid Maxamed Xiddig, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xasan Abshir Faarax oo dhammaantood ah xidhibaanno baarlamaanka ka tirsan.

Sidoo kale, waxaa socda khudbadihii ay jeedinayeen murashaxiinta u tartamaya guddoomiye ku xigeenka koowaad oo tiradoodu gaarayso 11 xubnood, waxaana ku xigi doona murashaxiinta u taagan xilka guddoomiye ku xigeenka labaad oo iyaguna ay tiradoodu gaarayso afar murashax.

Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inay ku sugan yihiin xarunta xildhibaanno aan la dhaarin weli balse kasoo gudbay guddiga farsamada ee xulista baarlamanaka, isagoo xusay inaan la dhaarin karin maanta.

Khudbadaha murashaxiinta ayaa lagu wadaa inay maanta soo xirmaan iyadoo lagu wado in murashaxiintu ay maalinta berri ah sameystaan olalayaal maalinta xigta ee Talaadada ahna la dooran doono afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya