4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Iskahorimaad ka qarxay inta u dhexeysa Degmada Kismaayo iyo deegaanka Hoosingoow ee Gobolka Jubbada Hoose

Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii uu dagaal culus ka qarxay inta u dhexeysa magaalooyinka Kismaayo iyo Hoosingoow ee gobolka Jubada hoose, iyadoona uu dagaalkaasi u dhexeeyo ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii xoogagga Al-shabaab ay jidka u galeen cutubyo katirsan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo iyagu duulaan ku ahaa dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Goobjoogeyaal ku sugan halka uu dagaalka ka qarxay ayaa HOL u sheegay in dagaalku yahay mid xooggan islamarkaasina ay labada dhinac isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Deegaanka Hoosingoow ee uu dagaalka ka qarxay ayaa magaalada Kismaayo u jira qiyaastii 160 KM, waxaana ilaa imika la garaneynay khasaaraha ka dhashay dagaalka, mana jiraan masuuliyiin katirsan dhinacyada dagaalamaya oo faahfaahin ka bixiyay.

Xiriiro aaan la sameynay saraakiisha dowladda KMG ee ku sugan gobolka Jubada hoose ayay ka gaabsadeen in ay ka hadlaaan dagaalka iyagoona sheegay in ay dib ka faahfaahin doonaan.

Dagaalkan ka qarxay deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubada hoose ayaa kusoo beegmaya xilli 24-kii saac ee ugu danbeeyay ay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya dhaqdhaqaaqyo xooggan ka wadeen deegaanada galbeed ee gobolka Jubada hoose, kuwaasoo ay ku doonayaan in ay ku weeraraan magaalada Kismaayo oo ay ku xoogganyihiin dagaalyahannada Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya