4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab ee Galgala oo ciidamada Puntland isu soo dhiibey

Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada ammaanka ee gobolka Bari ayaa shaaciyey inuu isku soo dhiibey sarkaal ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab ee uu fadhigoodu yahay buuraleyda Galgala.


Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee aagga Sugurre, Col. Jaamac Siciid Warsame (Afguduud), oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in sarkaalkan oo lagu magacaabo Mowliid Aadan Qalalan , uu si iskiis ah shalay ciidamada isugu soo dhiibey.

Wuxuuna intaas ku daray in uu watey hub uu kamid yahay qoriga ay Soomaalidu dabajeexa u taqaan (PKM), hal xabo oo telefoonada Satelliteka ah iyo weliba dukumiintiyo kale oo uu tilmaamay in ay muhiim yihiin.

Taliye Afguduud ayaa ugu danbeyntii mar uu ka jawaabayey su'aal la weydiiyey oo ahayd in xiligan ciidamada Puntland ay degmada Galgala joogaan wuxuu sheegay, in ay ku sugan yihiin meel aan sidaas uga fogeyn, haseyeeshee qolyaha kasoo horjeedaa ay xiliyada qaar degmada gudaha usoo galaan.

Buuraleyda Galgala oo koonfur galbeed magaalada Boosaaso kaga beegan, waxaa horay uga dhacay dagaalo badan oo dhex maray ciidamada amaanka ee Puntland iyo weliba xoogagga Galgala, kuwaasoo iyagu bilo kahor la midoobey xarakada Al-shabaab.

Intii lagu guda jirey sanadka 2012, waxay laamaha ammaanka ee gobolku soo bandhigeen rag 5 kor u dhaafaya, oo la sheegay in ay horay uga tirsanaayeen Al-shabaab, haseyeeshee ay isa soo dhiibeen kadib markii cafis balaaran loo fidiyey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya