4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2012
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo dib loo dhigay iyo Murashaxiin badan oo u Taagan xilalkan
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wada inay dhaco maalinta berri ah oo ay bishan ku beegan tahay 26-ka Ogoosto ayaa dib loo dhigay laba casho, sida ay sheegeen guddiga doorashada.

Xubno ka tirsan guddiga doorashada ayaa sheegay in dib u dhigga doorashada ay ku timid iyadoo aysan ku filayn hal maalin oo maanta ah in lagu diyaariyo doorasho lagu soo xulanayo guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

"Maalinta Talaadada ah ee soo socota ayaa u asteynay inay dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya," ayaa laga soo xigtay xubaha guddiga doorashada ka tirsan, iyagoo sheegay in labada maalmood ee soo socota ay ku dhameystirayaan habka doorashadu ay u dhacayso.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo xilka guddoomiyaha baarlamaanka ay u taagan yihiin lix murashax, halka guddoomiye ku xigeenka koowaad ay u taagan yihiin sagaal murashax halka guddoomiye ku xigeenka labaad ay u taagan yihiin saddex xubnood oo keliya.

Guddiga doorashada ayaa waxay sheegeen in lasoo gaarsiiyay araajida dhammaan xubnaha u taagan xilalka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa oo ay ka mid yihiin xidhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in maanta ama berri la dhaariyo xubnaha ka harsan xubnaha baarlamaanka, iyadoo horraantii toddobaadkan la dhaariyay 211 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya