4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2012
Kulan looga hadlayay Ammaanka Muqdisho oo uu ka qaybgalay Taliyaha AMISOM oo xalay ka dhacay Madaxtooyada
Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay ammaanka Muqdihso uuna shir guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana kulankaas ka qayb-galay taliyaha guud ee AMISOM Andrew Gutti.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlayay ammaanka Muqdihso waxaana goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, C/samad Macallin Maxamuud iyo saraakiisha ciidamada dowladda Soomalaiya.

“Waxaan isugu nimid inaan qiimeyno xaalada nabadgelyo iyo midda siyaasadeed ee Muqdisho, innagoo fiirinayna nabadda u jeeddaduna waa in la xoojiyo nabadda wax kasta oo nabadda dhibaateyn karana laga hortago, arrimaha siyaasaded ee nabadda saameyn karana xallintooda lagu dadaalo," ayuu yiri madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh oo kulanka kaddib la hadlayay warbaahinta.

Shariif Sheekh wuxuu kulanka ku tilmaamay mid muhiim ah maadaama maanta oo ay ku beegmay xilli lasoo gabgabeynayo KMG-nimada Soomaaliya, isagoo sheegay inay si aad ah uga hadleen cid walba oo carqaladeyn karta qorshaha socda inaan loo ogolaan doonin hadafkeeda guracan, wax walbana ay u dhacaan sidii loogu horay loogu qorsheeyay.

“Dhammaanteen waxaan ognahay dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed u soo mareen nabadda ay hadda haystaan, ma ogolaanayno in si fudud loo dhibaateeyo, walaalaheen AMISOM waxaan uga mahad-celineynaa dhiigga iyo dhididka ay u hureen nabadda aan haysanno,” ayuu madaxweynuhu mar kale yiri.

Madaxweynaha oo ka hadlay doorka odayaasha dhaqanka iyo heshiisyadii horay loo gaaray ayaa ku baaqay in heshiisyadii la gaaray loo fuliyo sidii ay ahaayeen, laguna ixtiraamo odayaasha dhaqanka howsha xulista xildhibaannada, sidoo kalena guddiga farsamada ee fududeynta xulista baaramaanka lagu ixtiraamo howshooda, lana hubiyo inaysan ka gudbin xuduuddooda, khilaafaadyada jira nabad lagu xalliyo.

"Shacbka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay ku dadaalaan xoojinta nabadda ay haystaan, waayo labaatan sano ayaad colaad kusoo jirteen, ma rabno inaan dib ugu laabano waddadii hore ee adkayd... ma rabno cadowgii aan ka adkaanay iyo cid kasta oo nabadda cadow ku ah inaan fursad siinno, waxaana ku baaqayaa inaan qof si gaar ah loo bartilmaameedsan, lana dhowr xuquuqda qof walba uu leeyahay,” Shariif Sheekh hadalkiisa kusoo qatimay.

Dhanka kale, taliyaha ciidamada AMISOM Andrew Gutti oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu doonayo inuu shacabka Soomaaliyeed ku diirrigeliyo inay ka qayb-qaataan xoojinta nabadda iyo sidii amniga loo sugi lahaa, isagoo xusay inay taasi tahay mas'uuliyad saaran Soomaalida.

"Sida aad wada og-tihiin waxaan ku jirnaa dhamaadka xilliga KMG-ka waxaan dadka Soomaaliyeed oo dhan ka codsanayaa inay is dejiyaan, qorshahan lagu dhameynayo KMG-nimadana ma jirto cid hor-istaagi karta. Dadku waxay doonayaan inay helaan baanu dhiiri-gelineynaa waxaana rabnaa in cid walba uu matalo xildhibaankii ay keensadeen. Beesha caalamka iyo AMISOM waxay tixgelinayaan wax kasta oo ay dadka doonayaan maadaama odayaasha dhaqanku ay iyaga wakiil ka yihiin," ayuu yiri taliyaha AMISOM. "waxaan mar labaad weydiisanayaa shacabka Soomaaliyeed in wax walba si wanaagsan loo xaliyo, isla markaana aysan fursad siin kuwa nabadda kasoo horjeeda - haddii khilaaf yimaadaana waxaa wanaagsan in wadahadal lagu xaliyo, waana in laga fogaado dhiig dambe oo daata."

Kulankan ayaa wuxuu socday illaa xalay saqdii dhexe, wuxuuna ahaa mid aad uga duwan kulammadii noociisa ahaa, isagoo yimid xilli maanta ay markii ugu horreysay ku kulmayaan Muqdisho xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya