4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in dowlada cusub ee la dhisayo ay xoogga saari doonto dib u dhiska dhaqaalaha dalka


Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in dowladda cusub ee la dhisayo ay xoogga saari doonto dib u dhiska dhaqaalaha dalka 20-sano oo dagaallo ah kaddib; ayna la dagaalami doonto burcadbadeedda oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan dhaqaalaha caalamka.

Mudane Cabdiweli oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee dalka oo lagu wado inay dhawaan doorashadiisu dhacdo ayaa sidoo kale wuxuu ka mid yahay 275-ta mudane ee ka tirsan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

"Waxaa Soomaaliya ka jirta shaqo la'aan ba'an; taasoo keentay in dhallinyaro badan ay badda galaan," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya oo xilligeedu maanta ku eg-yahay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu mar kale yiri: "Waxaan u baahannahay jid cusub oo aan arrintan kaga fikirno, sidoo kale waxaan doonaynaa hab kale oo la taaban karo oo aan kula soconno xaaladaha suuqyada dunida mustaqbalka soo socda."

Soomaaliya oo dhaqaalaheeda lagu sheegay 5.9 billion oo dollarka Mareykanka ah ayaa waxay dhawaan heshiis ganacsiga xorta ah la saxiixatay dowladda Kenya, taasoo suurogelin karta in shirkado waaweyn ay maalgashi ku sameysteen.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in Soomaaliya ay beesha calaamka uga baahan tahay inay gacan qabato si ay uga baxdo dhaqaale xumada baahday ee soo jirtay sannadaha badan.

"Dowladda cusub ee Federaalka Soomaaliya waxaa laga doonayaa inay heshiisyo laba geesood ah la gasho caalamka si fursad loogu helo in lala jaanqaado suuqyada calaamka," ayuu yiri C/weli Gaas.

Hadalkan ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ee xilligiisu gabgabada yahay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay maanta kulan yeelanayaan xildhibaannada cusub ee dalka uu yeelanayo, kuwaasoo dhawaan dooran doona madaxweyne cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya