4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 20, 2012
Qaraxyo lagu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda iyo kuwa AMISOM oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho


Isniin, Ogoosto 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxyo siyaabo kala duwan xalay uga dhacay degmooyinka Muqdisho kuwaasoo lagu weeraray booliiska Soomaaliya iyo booliiska AMISOM.

Qaraxyada oo saddex ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kasoo gaaray ciidamadii lagu weeraray, balse la hubo oo keliya afar qof oo rayid ah oo dhaawacmay kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar.

"Afar qof oo laba rag ah iyo laba dumar ah ahaa ayaa ku dhaawacmay bam xalay fiidkii lagu weeraray ciidammo booliis ah oo ku sugnaa isgoyska Baar Ubax, ma jirto wax khasaare ah oo gaaray ciidamadii bambaanada lagu tuuray," ayay tiri gabar ganacsi u haysata isgoyska Baar Ubax oo ka hadlaysay bambaanadaas.

Sidoo kale, laba bambaano oo kuwa gacanta ah ayaa lagu weeraray saldhigga booliiska ee degmada Yaaqshiid halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa booliiska AMISOM, balse lama yaqaan khasaaraha kasoo gaaray weerarkaas.

Ma jirto saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo ka hadlay labadii weerar ee xalay ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo lala bartilmaameedsaday booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo loogu talogalay inay ammaanka Muqdisho xoojiyaan.

Dhanka kale, ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarradaas, inkastoo Al-shabaab ay dhowr jeer oo hore sheegatay mas'uuliyadda weerarro dhowr ah oo ka dhacay Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya