4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 12, 2012
Xubno ka tirsan madaxdii xisbiga UDUB oo sheegay inay usoo digo rogteen xisbiga kulmiye


Axad, Ogoosto, 12, 2012 (HOL)-Xubno ka mid ah madaxda xisbiga UDUB, ayaa maanta si rasmi ah shaaca uga qaaday inay usoo digo rogteen xisbiga taladda haya ee KUlMIYE.

Xaflad balaadhan oo xarunta kulmiye loogu sameeyey ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirro, hogaanka sare ee kulmiye iyo xubnaha ka soo goostay xisbiga mucaaradka ah ee UDUB.

Siyaasiyiinta xisbiga UDUB ka yimid ayaa sheegay in markii uu xisbigoodii kilaaf ka bixi waayey ay goosteen inay usoo digo rogtaan xisbigan, waxaanay xisbigii UDUB ku tilmaameen qaar koox gaar ahi taladii xisbiga isku duubtay, taasina ay keentay inuu xisbigaasi la isku qabqabsado, burburna qarka u saaran yahay.

Xubnahan xisbiga UDUB ka yimid ayaa ah garabkii dacweeyey gudoomiyaha xisbiga UDUB ee Daahir Rayaale, kaas oo khilaaf weyni soo kala dhexgalay, waxaanay ugu dambayntii maxkamaddu dacwadaasi u xukuntay gudoomiyaha xisbigaasi Daahir Rayaale, haseyeeshee, khilaafkii halkii kuma joogsan ee waxay keentay garabkan oo uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Axmed Yuusuf Yaasiin ay la kulmaan madaxweynaha, waxaanu madaweynuhu ku qanciyey inay ku soo biiraan xisbiga KULMIYE.


Xubnahan ayaa iskugu jira masuuliyiin wasiiro ka soo ahaa dawladdii UDUB, xildhibaano golaha Wakiiladda iyo deegaankaba iskuga jira iyo masuuliyiin golaha dhexe iyo fulinta UDUB ku jiray, kuwaas oo si rasmi ah u bayaamiyey inay maanta kulmiye ku soo biiraan oo taageero weyn ku soo kordhin doonaan, isla markaana bacda ramadaanta ay xaflad weyn oo ay ku muujinayaan awoodooda taageero soo bandhigi doonaan.

gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku soo dhoweeyey xubnahan xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay in maanta laga bilaabo ka qaybqaaadan doonaan hawlaha xisbiga, isla markaana aan laga xigtaysan doonin iyaga iyo kuwii xisbiga la bilaabay oo ay u siman yihiin.

Madaxweyne ku  igeenka Somaliland Md: Cabdiraxmaan  Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna madasha soo dhoweynta xubnahan ka hadlay ayaa aad ugu hambalyeeyey geesinimada ay muujiyeen inay xisbiga KULMIYE ku soo biiraan, isla markaana aad ugu faraxsan yihiin in ragii markii ay mucaaradka ahaayeen aad isku weerari jireen ay maanta isku dhinac noqdaan oo ay kubadda meel u wada laagi doonaan.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu tilmaamay in aanu ku faraxsanayn burbur ku yimaadda xisbiga UDUB, madama oo dimuqraadiyadu ay ku fiican tahay is dheeli tirka mucaarad iyo mucaafadka.

“Anagu  maanta kuma faraxsanin xisbiga UDUB oo xisbi weyn ahaa baabi’iisa, sababta oo ah dimuqraadiyadu waxay ina faraysaa in mar walba ay jirto xisbiyo adag oo la tartama oo is toosiya, haddii aan la helin xisiyo is toosiya oo si wadaniyad ah isku dhaliilla dimuqraadiyadii ma kobcayso”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku Cabdiraxmaan Saylici.


Waxaanu sheegay inuu rajaynayo inay saddex xisbi qaran ay ka soo bixi doonaan sagaalka urur ee golaha deeganka ku tartami doona, isla markaana ay hogaanka u qaban doonaan dad aqoon iyo wadaniyadi ku dheertahay oo dimuqraadiyadda koriya.

Sidoo kale, waxa uu ururadda siyaasadda usoo jeediyey inay dadka ay u xulayaan golaha deeganka ay noqdaan dad karti iyo daacadnimo lagu yaqaan balse aanay xigtaysi iyo qaraabo ku iman.

Si kastaba ha ahaate, xubnahan ka soo baxay UDUB ayaa ah xubno aad u culculis, kuwaas oo wakhtigii ay muxaafadka ahaayeen ee taladda dalka hayey dagaal siyaasadeed ka dhexeyn jiray xisbiga ay ku soo biireen ee KUlMIYE, haseyeeshee xubnahan ayaa markii uu khilaaf la daweyn kari waayey ka dilaacay UDUB, madaxweyne Axmed Siillaanyo garabkan ku qaabilay xafiiskiisa isagoo usoo jeediyey inay kulmiye ku biiraan, taasna ay aqbaleen.


Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland