4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 12, 2012
Dabley Magaalada Muqdisho ku dishay sarkaal u shaqeynayay DKMG Soomaaliya kana mid ahaa Bahda Saxaafadda Soomaalida
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa saakay aroortii hore ku dilay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, Yuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Farey) oo ka mid ahaa sarkaal u shaqeynayay DKMG ah, kana mid ahaa bahda saxaafadda Soomaalida.

Goobjoogayaal ayaa HOL u sheegay in kooxaha dilka geystay ay weerareen xilli uu doonayay inuu gaari uu lahaa galo, kaddibna ay dhowr xabbadood ku dhufteen taas oo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

"Dilka wuxuu ka dhacay xaafadda Macmacaanka dhabarka dambe ee garaashka Macallin Nuur ee degmada Dharkeynley, kooxihii dilka geystay oo aan la garanayna goobta way ka baxsadeen," ayaan kasoo xigannay goobjoogayaal la hadlay HOL.

Marxuum Yuusuf Ferey, ayaa wuxuu hadda ka shaqeynayay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo sidoo kalena ahaa agaasime waaxeed ka tirsan wasaaradda warfaafinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu noqday la taliyaha dhinaca saxaafadda ee Maxkamadihii Islaamka kaddib markii ay awoodda kala wareegeen sannadkii 2006 hoggaamiye kooxeedyadii ay Muqdisho kala qoqobay.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka Yuusuf Farey, iyadoo lagu wado in isla maanta lagu aaso magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa uu imaanayaa iyadoo kooxo bastoolado ku hubeysan ay toddobaadkii hore degmada Xamar-weyne ku dileen maareeyihiin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, marxuum Ibraahim Iimaan Xalane.

Marxuumka ayaa wuxuu ka mid ahaa bahda saxaafadda Soomaalida, isagoo xilligii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya kasoo shaqeeyay Raadiyo Muqdisho, isagoo ku sii jiray bahda saxaafadda Soomaalida markii ay burburtay dowladdii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya