Jimco, Ogoosto 10, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay kaddib markii israsaaseyn ay maanta ku dhexmaray ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda KMG ah agagaarka halka ay daggan yihiin guddiga xulista baarlamaanka Soomaaliya iyo guddiga xallinta khilaafaadka.
Lama oga sababta keentay in ciidamada dowladda ay rasaas isdhaafsadaan, iyadoo qofka dhintay la sheegay inuu ahaa rayid, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo Muqdisho ay la ciirciirayso murashaxiinta doonaya inay u tartamaan doorashada madaxnimo ee dalka.
Iskahorimaadka dhexmaray ciidamadan ayaa markii dambe si iskiis ah u joogsaday, iyadoo halka ay ku dagaalameen ay ku dhow-dahay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, guddiga farsamo ee xulista xildibaannada baarlamaanka ayaa waxay ku howlan yihiin kala saarista 184-xubnood oo ay magacyadooda hayaan, iyadoo xubno ka tirsan guddiga ay sheegeen inay imtixaanaad ka qaadayaan xubnaha ay magacyadooda hayaan.
Guddiga ayaa horay u soo jeediyay inaan lasoo gudbin mudane aan aqoon lahayn, iyagoo sheegay in haddii loosoo gudbiyo ay iyagu qaadan doonaan go'aankooda ayna ka saari doonaan liiska.
Mas'uuilyiinta ka tirsan guddiga ayaa warbaahinta u sheegay inay maanta filayaan in loosoo gudbiyo magacyada xildhibaanno kale oo ka mid noqonaya 275 xubood ee uu baarlamaanka cusub ka koobaan doono.
Iyadoo maanta ay tahay maalintii kama dambeysta ahayd ee ay guddiga u qabteen in lagu soo gudbiyo magacyada xildhibaannada ayaa waxaa laga sugayaa inuu go'aanka ay soo saaraan.
Xidlhibaanada cusub ee lasoo xulayo ayaa waxaay dooran doonaan inta aan la gaarin 20-ka bishan Ogoosto guddoomiye baarlamaan iyo ku xigeennadiisa iyagoo markaas kaddibna dooran doona madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidammo isku rasaaseeyay agagaarka halka ay deggen yihiiin Guddiga Xulista Baarlamaanka iyo Xildhibaanno la hubinayo
More News
- Ugaarsiga Waraabaha oo kusoo badanaya Jubbada Hoose iyo Hilibka Waraabaha oo Noqday kan Loogu Isticmaal Badan yahay
- Askar ka tirsan ciidamada DKMG ah oo ku dhintay Qarax lagu eegtay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa
- Ciidamada Dowladda KMG ee ku sugan Gobolka Bay oo xalay Baaritaanno dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay Baydhabo
- Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay Dukaan ay ku lahaayeen Duleedka Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika
- Golaha Ammaanka ee QM oo mar kale u digtay Kooxo uu ku sheegay Qaswadayaal ka soo horjeeda kala guurka Soomaaliya