4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2012
Ugaarsiga Waraabaha oo kusoo badanaya Jubbada Hoose iyo Hilibka Waraabaha oo Noqday kan Loogu Isticmaal Badan yahay
Jimco, Ogoosto 10, 2012 (HOL) — Kaddib markii maamulka Al-shabaab ee Jubbooyinka uu shaaca ka qaaday inuu xalaal yahay hilibka Waraabaha ayaa waxaa magaalada Kismaayo kusoo batay ugaarsiga iyo ka ganacsiga hilibka Waraabaha, arintaasoo fajac iyo layaab ku noqotay dad badan oo reer Kismaayo ah oo aan iyagu ogeyn waxay diinta Islaamku ka qabto arrintaan.

Waraabaha oo kamid ah xayawaanada duurjoogta ayay xarakada Al-shabaab ee Jubooyinka sheegtay in diiniyan uu xalaal yahay islamarkaasina la cuni karo hilibkiisa, waxayna arintaasi keentay in suuqyada lagu iibiyo hilibka uu kusoo bato hilibka Waraabaha.

Maamo kamid ah dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegtay in hilibka Waraabaha uu siweyn ugu soo batay magaalada, iyadoona sheegtay in hilibka waraabuhu noqday hilibka loogu isticmaal badanyahay ee magaalada Kismaayo.

"Kiilaha hilibka Geela waa Sh. Som 100,000 (Boqon Kun), hilibka Waraabaha kiilihiisii wuxuu gaaray Sh. Som 180,000 (180 Kun), waxaana iibsado dadka dhaqaalaha leh oo qura," sidaa waxa yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo HOL u waramay isagoo ka gaabsaday in magaciisa la xigto.

Ugaarsiga Waraabaha ayaa ka bilowday gobolka Jubada Hoose, iyadoona dadka u ugaarsi tago Waraabaha ay kusoo badanayaan Magaalada Kismaayo.

Hadalheynta ugu badan ee magaalada Kismaayo ayaa ah hilibka Waraabaha ee la sheegay in uu xalaalyahay, iyadoona bulshada reer Kismaayo ay u qeybsameen laba qeybood kuwo bilaabay cunista hilibka iyo qaar kale oo badan oo ay layaab ku noqotay in la cuno hilib Waraabe.

"Waxaa jiro maqaayado dhowr ah oo lagu iibiyo hilibka Waraabaha, sidoo kale waxaa lagu sameeyaa Saanbuuska iyo cuntooyinka kale ee lagu iibiyo maqaayadahaasi," ayuu yiri goobjooge kale oo ku sugan Kismaayo oo HOL u waramay.

Culumada waaweyn ee magaalada Kismaayo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay cunista Hilibka Waraabaha, waxaana culumada qaar ay qabaan in uu xalaal yahay halka qaar kalena ay sheegayaan in aysan banaaneyn cunista hilibka Waraabaha, waxaana sidan si lamid ah ay Madaahibta Islaamku siyaabo kala duwan uga hadleen hilibka Waraabaha iyadoona Madhabta qaar ay qabto in uu xalaal yahay halka qaar kalena ay qabaan in uu xaaraam yahay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya