5/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2011
Hay’adda Somali Relief Network of North America oo deeq gaarsiiyay qoysas ku dhibaataysan Afgooye


Isniin, September 12, 2011 (HOL) — Hay’adda Somali Relief Network of North America ayaa maanta deeq gaarsiisay qoysas ku dhibaataysan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, iyadoo qoysaskaas ay si aad ah ugu mahaceliyeen hay’addaasi.

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ayaa waxaa ku dhibaataysan qoysas kasoo hayaamay gobolada kale oo ay saameeyeen abaaraha, waxayna hay'addan gaarsiisay dadkaas deeq raashiin ah oo isugu jirtay bur, bariis galey iyo agabyo.

Ibraahim Cismsan C/laahi (Ibraahim Carab) oo ah mas'uulka ay hay’addan u soo wakiilatay bixinta deeqdan ayaa wuxuu sheegay in deeqda ay u qaybiyeen sidii loogu talo-galay, isagoo ugu baaqay hay’adda inay sii laba-jibaarto dadaallada ay ku taageerayso qoysaska ku dhibaataysan dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah barakacayaashii deeqdan loo qaybiyay ayaa waxay mahad u celiyeen guddoomiyaha hay’adda Somali Relief Network of North America, Aadan Max’ed Ciise iyagoo xusay in deeqdan lagu soo beegay xilli ay baahi weyn u qabeen, waxayna hay’adaha kale ka codsadeen inay ku daysadaan hay’adda Somali Relief Network of North America.

Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhibaataysan qoysas kasoo hayaamay gobolada Koofureed ee dalka, kaddib markii ay ku dhufteen abaaro xoggan oo sababay in dadka xoolihii ay ka dhammaadaan sidoo kalena ay u bixi waayaan mirihii beeraha.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya