4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2011
Qaraxyo waxyeello geystay oo goor dhaweyd ka dhacay magaalada Nairobi

Isniin, October 24, 2011(HOL)-Magaalada Nairiobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa goor dhaweyd ka dhacay labo qarax oo is-xigay, kuwaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Qaraxyadan ayaa waxay ka dhaceen meel Basaska laga raaco, waxayna geysteen qaraxyadan inta ilaa iyo haatan la xaqiijiyay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca 12 ruux oo kale, kuwaasi oo u badan rakaabkii basaskaas.

Goobta ay qaraxyada ka dhaceen ayaa waxay ahayd goob mashquul badan oo basaska laga raaco, waxayna waxyeellada timid kaddib markii iyadoo la daadgureynayo dad ku waxyeelloobay qaraxii koowaad loo celiyay qarax labaad.

Ma jirto cid loo qabtay qaraxyadan waxyeellada geystay, inkastoo ay baaritaanno wadaan ciidamada booliska Kenya, kuwaasi oo soo buux dhaafiyay goobta uu qaraxa ka dhacay. Qaraxan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay uu qarax loo adeegsaday bambo gacmeed uu xalay ka dhacay magaalada Nairobi, kaasi oo isna waxyeello geystay.

Qaraxyadan ayaa waxay Nairobi ka dhacayaan iyadoo dhawaan Xarakada Al-shabaab ay ku hanjabtay in ay weerari doonto Dalka Kenya, iyadoo taasina ay Xarakadu sheegtay in ay uga aargudaneyso Dowladda Kenya soo gelitaanka ay soo gashay dalka Soomaaliya.

Xaafadda Islii ee ay Soomaalida ku badan tahay ee magaalada Nairobi ayaa dadka ku nool waxay muujinayaan cabsi ku saabsan in qaraxaas dartiis wax loo yeelo ama loo xiro, waxayna cabsidaas timid kaddib markii  qaraxa kaddib xaafaddaas la geeyay Ciidamo badan, kuwaasi oo halkaas baartitaanno ka bilaabay.

Wixii ku soo kordha xaaladda Islii ee Magaalada Nairobi kula soco wararkeena dambe haddii Alle idmo.

Daawo Warka Qaraxii hore--By: ALJAZEERA ENGLISH

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]