5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2011
Diyaarado Duqeyn ka Geystay Qaar katirsan Deegaanada Jaziiradaha ee Gobolka J/hoose

Isniin, October 24, 2011Diyaarado nooca dagaal oo aan la aqoon cida rasmiga ah ee iska leh ayaa goordahawayd duqeymo ka geeystay qaar katirsan jaziiradaha ku yaal galbeedka gobolka J/hoose.

Goobaha ay diyaaraduhu duqeeyeen ayaa waxa kamid ah Jaziiradda Kuda, iyo  deegaanka Shimbiraale oo wax yar u jira Jaziiradda Kuda, waxaana la sheegay in diyaaraduhu ay dhowr gantaal ku garaaceen goobahaasi.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan Jaziiradda KUDA ayaa HOL u xaqiijiyay in diyaarado ay duqeeyeen jaziiradaasi iyo Deegaanka Shimbiraale oo dhamaantoodba dhanka koonfur galbeed kaga began magaalad Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi, waxaana ay cabsi ballaaran lasoo darastay dadka ku dhaqan Jaziiradaha kudhow dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Ma jiraan ilaa imika masuuliyiin katirsan maamulka Xarakada Alshabaab ee Jubooyinka oo ka hadashay dhacdadaasi, waxana ay duqeyntani kusoo beegmeysaa xili ay magaalad Kismaayo shalay ka dhaceen duqeymo ay geysteen diyaarado nooca dagaalka oo aan ilaa imika la xaqiijin cida rasmiga ah ee iska leh.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya