4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2011
Qaar kamid ah maamul goboleedyada cusub ee Soomaaliya looga dhawaaqay oo ku heshiiyay inay ku midoobaan hal maamul

Isniin, October 24, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Wakiilo kakala socda qaar kamid ah maamul goboleedyada dhawaanahan looga dhawaaqayay  bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya oo isugu yimid magaalada Nairobi ayaa ka dhawaajiyay inay isku afgarteen midaynta maamulka ee deegaamada ay ku dhawaaqeen inay ka taliyaan, si loo helo hal maamul goboleed oo tayo leh.

DSC02891



Shirkan maamulada kasoo qayb galay ayaa waxaa kamid ahaa Galmdug , Somali Central state, Ceel buur State, Ximin iyo Xeeb, Mareeg State iyo Shabelle Middle State.

Kasoo qayb galayaasha kulankani waxaa ay sheegeen inay gogol nabadeed oo lagu midaynayo  maamuladan ay dhigi doonaan magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud oo ay marti galisay Ximin iyo Xeeb.

Wakiilada ayaa sidoo kale yagleelay gudi fulineed oo awood buuxda loo siiyay inay mideeyaan maamulladaas.
Guddigan waxaa gudoomiye u ah  Dr. Maxamed Cali Ibraahim, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad , Suldaan C/casiis Cumar Daad, ku xigeenka Labaad Daahir Baashaal , Xoghaye C/laahi Maalin Gaafow, Prof. Cali Madaxey iyo afhayeenka oo ay u doorteen C/laahi Maxamed Geedi Bakad.
DSC02900

Inta badan maamul goboleedyada dhawaanahaan Soomaaliya looga dhawaaqay kama hawlgalaan gudaha waddanka, balse waa kuwo intooda badan  lagu yagleelay magaalooyinka London iyo Nairobi oo ay ku noolyihiin jaaliyadaha ugu ballaaran ee Soomaalida qurbo joogta ah .


Axmed Cabdisamad, Hiiran Online
[email protected]
Nairobi , Kenya