4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2011
Wasaaradda Caafimaadka xukuumadd Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta oo tababar u furay umulisooyin

Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka DKMG ah ee Soomaaliya, Faysal Xuseen Daahir ayaa tababar soconaya muddo 30 maalmood ah maanta u furay illaa 30 umulisooyin ah oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya.

Tallabaadan ayaa loogu talogalay in sare loogu qaado caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee dalka Soomaaliya, waxaana maalgelinaya Sanduuqa Taageerada Farsamo ee Dalalka Afrika ee raacsan Jaamacadda Carabta.

Isagoo ka hadlayay xafladda furitaanka ayaa Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka waxa uu ugu baaqay ka-soo-qeybgalayaasha inay muujiyaan mas’uuliyad, kana shaqeeyaan sidii ay uga miro-dhalin lahaayeen duruusta la siiyay, isla markaana sare ugu qaadi lahaayeen caafimaadka hooyada iyo dhallaanka Soomaaliya si loo yareeyo heerka dhimashada carruurta.

"Aad baan ugu faraxsannahay howsha adag iyo kartida umulisooyinka ka shaqeynaya Soomaaliya si loo badbaadiyo nolosha hooyooyinka iyo carruurta," ayuu yiri Wasiir-ku-xigeenka. Wuxuu uga mahadceliyay Jaamacadda maalgelinta tababarkan sare loogu qaadayo aqoonta umulisooyinka iyo guud ahaan taageerada ay siiyaan caafimaadka Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya waa dalka ay ugu badan tahay geerida carruurta da’doodu ka hooseyso 5 sano, sida lagu sheegay xog ay shaacisay Qaramada Midoobay. Sanadkii 2010kii, 1000kii carruur ee dhashayba waxaa geeriyooday 180, taasoo Soomaaliya ka dhigeysa dalka ugu liita caalamka.

Madaxa Xafiiska Muqdisho ee Jaamacadda Carabta, Danjire Maxamed Cabdalla Idiris ayaa sheegay in ka sokow taageerada dhaqaale iyo midda siyaasadeed ee ay Soomaaliya siiyaan, in Jaamacadda Carabta ay mudnaan siineyso horumarka maxaa yeelay waxay rumeysan yihiin in shaqaaluhu yihiin hantida dhabta ah ee Soomaaliya. Wuxuu Danjiruhu ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada waaxyaha adeegga u fidiya shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale xafladda furitaanka ka qeybgalay Wasiirka Haweenka, Wasiiru-dowlaha Warfaafinta, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka, Safiirrada Jabuuti iyo Suudaan, iyo Wakiillada Muqdisho u fadhiya Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), IOM, Unicef iyo WHO.