4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2011
Ciidamada ammaanka ee Kenya oo faahfaahin ka bixiyay qaraxii Nairobi

Isniin, October 24, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Nairobi Antony Kibuchi oo shir jaraa;id ku qabtay Nairobi ayaa ku tilmaamay qaraxii ka dhacay  baar lagu caweeyo oo kuu yaalla Nairobi inuu ahaa mid ka dhashay bam-gacmeed.

Waxaa uu sheegay in weerarkaas aysan gacanta ku soo dhigin cidii ka dambaysay, balse ay wadaan baaritaano ay ku baadi goobaan dadkii soo tuuray bamka oo uu sheegay inuu ahaa mid lagu sameeyay dalka Ruushka.

Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Nairobi
                     
Antony Kibuchi

Antony Kibuchi waxaa uu tilmaamay inaysan jirin cadayn dhab ah oo qaraxaasi  la xiriirinaysa xarakada Alshabaab, balse uu qaraxu yahay mid ku soo aaday xilli ay hanjabaado kaga imaanayaan Kenya  kooxdaasi oo uu sheegay  inuusan meesha ka saari Karin ku lug lahaanshahooda falkan.

Kibuchi waxaa uu Kenyaanka ka codsaday inay feejignaadaan oo ay  ka digtoonaadaan wax uu ku tilmaamay taageerayaasha Alshabaab, isagoo xaqiijiyay in ammaanka dalku uu yahay mid la adkeeyay  oo aysan jirin wax cabsi ah.

“14 qof ayuu ku dhaawacmay qaraxa oo isbitaallada lagu daaweynayaa, balse waxaa jira kuwo kale oo aysan waxba gaarin oo ku sugnaa goobta qaraxa”. Ayuu sii raacshay taliyaha ciidamada booliska ee Nairobi.

Taliyaha ciidamada boolisku waxaa kale oo uu sheegay in weerarka lagu qaaday Nairobi, uusan hakin doonin hawlgalada ay ciidamada kenya ka wadaan gudaha waddanka Soomaaliya oo uu tilmaamay inuu yahay mid Alshabaab lagu wiiqayo.

Wali Alshabaab wax war ah kama soo saarin qaraxan  cabsida ku abuuray dadka ku nool dalka Kenya , gaar ahaana Soomaalida oo ka cabsi qaba in la bartilmaameedsado, maadaama maalmihii ugu dambeeyay ay saraakiisha Kenya iyo saxaafaduba aad u hadal hayeen in Alshabaab ay ku xididaysatay xaafada Eastleigh oo xarun u ah tobonaan kun oo Soomaali ah.

Inkastoo looga shakisanyahay xarakada Alshabaab inay weerarkan qaaday, ayaa haddana qaar ka mid ah dadweynaha Kenya ay isla dhex marayaan in weerarkan uu ka dhalan karo, tartan ka dhexeeya qaar kamid ah mulkiilayaasha iska leh baararka khamriga lagu cabo oo ku sii badanaya magaalooyinka Kenya.

Qaraxan oo ah mid lala beegsaday baar lagu caweeyo oo ku yaalla xaafada Karen ee magaalada Nairobi  ayaa yimid, iyadoo safaarada Maraykanka ee Nairobi ay ka digtay in la bartilmaameedsan doono baararka iyo goobaha laga dukaamaysto ee ay ku badanyihiin ajaanibtu.

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya