4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2011
Booliiska Kenya oo Xarakada Al-shabaab ku eedeeyay weerarkii dhaawacyo geystay oo xalay ka dhacay Nairobi


Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in qaraxii bambaano ee xalay ka dhacay baar lagu caweeyo oo ku yaalla bartamaha Kenya ay mas'uul ka tahay Xarakada Al-shabaab, iyagoo sheegay in weerarkan uu la xiriiro hanjabaaddii Al-shabaab.

Weerarka oo dhacay gallinkii dambe ee xalay ayaa waxaa lala beegsaday baar lagu caweeyo oo laug magacaabo Mwauras oo ku yaalla bartamaha Nairobi, waxaana ka dhashay dhaawacyada ku dhawaad 14-qof.

"Haa... weerarkan bambaano waxaan la xiriirinaynaa Al-shabaab, sababtoo ah iyaga ayaa dhawaan ku hanjabay inay qaraxyo ka geysanayaan Kenya," ayuu yiri Antony Kibuchi oo ah taliyaha booliiska magaalada Nairobi.

Balse ruuxii geystay weerarka ayaa baxsaday, iyadoo la sheegay in weli ay socdaan baaritaanno ku aaddan weerarka sida uu u dhacay iyo cidda geystay, mana jirto wax hadal ah oo weli kasoo baxay Xarakada Al-shabaab kaasoo ay mas'uuliyadda weerarka ku sheeganayaan ama ku beeninayaan.

"Waxay booliisku ka digeen in weerarro lagu soo qaadi karo Nairobi, xalayna waxaa dhacay weerar lama filaan ah," ayuu yiri Kibuchi oo sheegay in baaritaanno lagu raadinayo ciddii weerarkan ka dambeysay ay socdaan.

Dhaawacyadii ka dhashay weerarka bambaano ayaa xalay la geeyay isbitaalka weyn ee Kenyatta oo ku yaalla Nairobi, iyadoo dhaqaatiirtu ay sheegeen inay dhaawacyada qaarkood yihiin kuwo halis ah.

Wariye Kenyan ah oo lagu magaaabo, Bernard Momanyi ayaa u sheegay Al-jazeera in dadka weerarkan ku dhaawacmay oo dhan ay ahaayeen dad u dhashay dalka Kenya oo aysan jirin cid ajnabi ah oo weerarka ku dhaawacmay.

Bambaannada lagu weeraray baarka lagu caweeyo ee ku yaalla Nairobi ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo boqolaal ciidammada Kenya ka tirsan oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka ay ku jiraan gobollada Koonfurta Soomaaliya ku yaalla si ay ula dagaalamaan Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya