5/22/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2011
Askari ka tirsan ciidamada DKMG Soomaaliya oo toogtay laba haween ah mid kalena dhaawaca u geystay

Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Askari ka tirsan ciidanka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta toogasho ku dilay laba haween ah oo ka mid ahaa dad raashin loogu qaybinayay siliggii hore ee Mareykanka oo ka tisran degmada Wadajir, iyadoo ay ku dhaawacantay rasaastaas haweeney kale.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay HOL in askariga rasaasta furay uu ka mid ah ahaa askar doonayay inay dhac u geystaan raashinka la qaybiyay, waxaase markii ay rasaastu haleeshay saddexda qof ee laba ka mid ah ay dhinteen goobta ka baxsaday askarigii falka geystay iyo kuwii kale.

"Askar ka tirsan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa goobta yimid, waxay ku fureen rasaas dadkii raashinka loo qaybinayay, waxayna xabaduhu haleeleen saddex dumar ah, kuwaasoo laba ka mid ah ay geeriyoodeen," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay.

Dadkii raashinka loo qaybinayay ayaa kala cararay, iyadoo goobjoogayaal kale ay u sheegeen HOL in mid ka mid ka mid ah haweenka dhintay ay goobta ku geeriyootay halka midda kalena ay ku dhimatay isbitaalka Madiina oo la geeyay iyadoo dhaawac halis ah qabta.

Ciidammo ka tirsan dowladda KMG ah ayaa goobta gaaray, iyadoo aan la qaban askarigii falka geystay, waxaana badbaaday raashinkii ay askartu doonayeen inay dhacaan.

Maamulka degmada Wadajir ayaan ka hadlin falka lagu dilay barakacayaasha loo qaybinayay gargaarka, iyadoo falalka noocan oo kale ah ay inta badan ka dhacaan magaalada Muqdisho oo inta badan ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa gacanta siinayay ee AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya