9/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2011
Xarakada Al-shababa oo fariin digniin u dirtay shacabka dalka Burundi


Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Warsaaxafadeed ay Xarakada Al-shabaab soo saartay maanta oo Isniin ah ayaa waxay digniin ugu dirtay shacabka dalka Burundi oo ay kumannaan ciidammo ah ka joogaan Soomaaliya.

"Tan iyo markii ay Xarakada Al-shabaab badashay qorshaha dagaal ee Muqdisho bishii Ogoosto ee sannadkan, dagaalku wuxuu galay waji cusub. Natiijada dagaalka ayaa waxay noqontay in ciidamada AMISOM ay kasoo baxaan saldhigyadii ay ku jireen ayna dibadda yimaadaan, waxaana baxay inaysan awood u lahayn inay ku dagaalamaan dhulka cidlada ah," ayaa lagu billaabay warsaxaafadeedka Al-shabaab kasoo baxay.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada Burundi ee ku sugan Muqdisho loogu geystay xasuuq dagaalkii ka dhacay degmada Dayniile 20-kii bishan, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay ku dishay 150-askari, iyagoo sheegay in tani ay daboolka ka qaadday muhiimadda dagaallada Muqdisho.

"Warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah waxay filimo iyo sawirro ka qaateen maydadka 76-askari oo ay Al-shabaab soo bandhigtay, kuwaasoo xirnaa dharka lagu yaqaan ciidamada Burundi, balse AMISOM waxay diiday dhimashada askartaas iyagoo doonaya inay si khalad ah wax u tusaan qoysaska askarta dhintay," ayay Al-shabaab ku sheegtay warsaxaafadeedka.

Xarakada Al-shabaab ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in xasuuqii ka dhacay Muqdisho uu cadeyn u yahay in Muqdisho aan laga doonayn ciidamo shisheeye, balse fariintooda ay tahay mid si gaar ah ugu wajahan shacabka dalka Burundi.

"Caruurtiinna waxay dhibaatooyin fool xun u geysanayaan shacabkeenna aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed. Waxaana mar walba idiin soo dirnaa inaan ciidamadiinna la baxdaan, waxaa muuqata inaad ku faraxsan tihiin inay caruurtiinu ku dilaan kumannaan shacab Soomaaliyeed oo isugu jira rag duqeymo, ayna ka barakaciyaan guryahooda iyo xaafadahooda," ayay Al-shabaab ku sheegtay warsaxaafadeedkeeda.

Qoraalka kasoo baxay Al-shabaab waxaa lagu sheegay kala bar caruurta Soomaaliyeed aysan aadin iskuullo, iyagoo sheegay in ciidamada Burundi ay wadaan qorshayaaha ay ku burburinayaan dhismayaasha iyo dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha. Dagaallada socdana waxay sababayaan in kumannaan caruurtiinna ah lagu dilo Muqdisho iyagoo u dagaalamaya qaab calooshood-u-shaqeytenimo ah iyadoo qaar kalaena la qabto.

"Askartiina ku dhimatay Muqdisho waxaa lagu jiiday wadooyinka, waxayna daadsan yihiin wadooyinka iyadoo aan loo sameyn wax aas ah. waxayna shacabka Muqdisho ku daawadaan wadooyinka askartiinna aad jeceshihiin," ayaa warsaxaafadeedka mar kale lagu sheegay.

Ugu dambeyn, waxaa shacabka Burundi la kala dooransiiyay inay ciidamadooda sida ugu dhaqsiyaha badan ugala baxaan Soomaaliya, haddii kalena dib loogu celin doono maydadka askartooda. Iyadoo lagu soo gabgabeeyay warsaxaafadeedka, Aad uga fikira mustaqbalka caruurtiinna.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/24/2011 2:59 PM EST
Isniin, October 24, 2011(HOL)-Magaalada Nairiobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa goor dhaweyd ka dhacay labo qarax oo is-xigay, kuwaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

10/24/2011 12:04 PM EST
Isniin, October 24, 2011 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheikh Axmed ayaa cambaareeyey joogitaanka ciidmada Kenya ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

10/24/2011 11:23 AM EST
Isniin, October 24, 2011Diyaarado nooca dagaal oo aan la aqoon cida rasmiga ah ee iska leh ayaa goordahawayd duqeymo ka geeystay qaar katirsan jaziiradaha ku yaal galbeedka gobolka J/hoose.

10/24/2011 10:07 AM EST
Wakiilo kakala socda qaar kamid ah maamul goboleedyada dhawaanahan looga dhawaaqayay bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya oo isugu yimid magaalada Nairobi ayaa ka dhawaajiyay inay isku afgarteen midaynta maamulka ee deegaamada ay ku dhawaaqeen inay ka taliyaan, si loo helo hal maamul goboleed oo tayo leh.

10/24/2011 9:39 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka DKMG ah ee Soomaaliya, Faysal Xuseen Daahir ayaa tababar soconaya muddo 30 maalmood ah maanta u furay illaa 30 umulisooyin ah oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya.

10/24/2011 9:23 AM EST
Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Nairobi Antony Kibuchi oo shir jaraa;id ku qabtay Nairobi ayaa ku tilmaamay qaraxii ka dhacay baar lagu caweeyo oo kuu yaalla Nairobi inuu ahaa mid ka dhashay bam-gacmeed.

10/24/2011 8:41 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday furumaha dagaalka ee degmada Dayniile oo maalmahan ay ku dagaalamayeen ciidammada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab.

10/24/2011 8:37 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in qaraxii bambaano ee xalay ka dhacay baar lagu caweeyo oo ku yaalla bartamaha Kenya ay mas'uul ka tahay Xarakada Al-shabaab, iyagoo sheegay in weerarkan uu la xiriiro hanjabaaddii Al-shabaab.

10/24/2011 7:24 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Askari ka tirsan ciidanka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta toogasho ku dilay laba haween ah oo ka mid ahaa dad raashin loogu qaybinayay siliggii hore ee Mareykanka oo ka tisran degmada Wadajir, iyadoo ay ku dhaawacantay rasaastaas haweeney kale.

10/24/2011 7:15 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee bartamaha Soomaaliya ayaa eedeyn kulul u jeediyay dowladda KMG, kadib markii sida uu maamulku sheegay dowladda Idhaha ka qabsatay wax u qabashada shacabka ku dhaqan gobollada bartamaha Soomaaliya.

10/24/2011 4:53 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Weerar bam-gacmeed ah oo xalay lagu weeraray goob lagu caweeyo oo ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sababtay dhaawacyada 13-qof sida ay sheegeen booliiska Kenya. Waxaan weerarkan uu imaanayaa iyadoo Xarakada Al-shabaab ay ku dhaawaqday inay Kenya ka aargudanayso.

10/24/2011 4:48 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegay in dagaalladii 20-kii bishan ka dhacya degmada Kismaayo ay ku qabseen inay joojiyaan howlo caafimaad oo ay ka wadeen degmadaas.

10/24/2011 3:55 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Cabsi aad u xoogan ayaa lasoo darastay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo, xilli ay diyaarado dagaal shalay duqeeyeen goobo katirsan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

10/24/2011 3:46 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Xaflad balaadhan oo lagaga dhowaaqayey naadiga akhriska iyo Wax-qorista oo loogu magac-daray Alle ha naxariistee Abwaan Cabdi Iidaan Faarax (Iidaan Readers Club (IRC) ayaa xalay lagu qabtay magaalada Hargeysa.