4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2011
Hay'adda MSF oo sheegtay in dagaalladii Dayniile ay hakad geliyeen olole Tallaal oo ay degmadaas kawadday

Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegay in dagaalladii 20-kii bishan ka dhacya degmada Kismaayo ay ku qabseen inay joojiyaan howlo caafimaad oo ay ka wadeen degmadaas.

MSF waxay sheegtay in degmadaas ay ka wadday howlo 35,000 oo caruur ah looga tallaalayay cudurka jadeecada, kaasoo loogu talogalay inuu socdo muddo saddex todobaad ah. Iyadoo qorshahan uu qayb ka ahaa qorshe cudurkan looga tallaalay 60,000 oo caruur Soomaaliyeed ah labadii bilood ee lasoo dhaafay.

"Cudurka jadeecadu waa midka ugu weyn ee dila caruurta Soomaaliyeed," ayuu yiri Duncan McLean oo ah madaxa howlaha MSF ee Soomaaliya. "Talaalka oo keliya ayaa lagu joojin karaa fiditaanka cudurkan."

Degmada Dayniile ayaa waxaa tan iyo Khamiistii lasoo dhaafay ka socday dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab, waxaana dagaalladaas ay ku qasbeen dadkii ku noolaa degmada Dayniile inay ka barakacaan.

"Shantii maalmood ee ugu horreeyay ololaha tallaalka waxaa la tallaalay 4,831 cunug oo ay da'doodu u dhexeysay lix sano illaa 15-sano, kuwaasoo ku noolaa xaafadaha kala duwan ee degmada Dayniile," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka MSF. Iyadoo ay intaas ku dartay hay'addu in dagaalladii dhacay ay hakad geliyeen ololaha tallaalka.

"Ololaha tallaalka xilligan dib looma billaabi karo Dayniile, waayo xaaladdu ma ahan mid lagu shaqeyn karo," ayuu yiri madaxa MSF ee Somalia McLean. "Waxaan ku fikiraynaa in aan howshan ka billowno goobaha ay shacabkii ku noolaa degmadaas u barakaceen, waayo kumannaankii qof ee degmadaas ku noolaa dhammaantood way barakaceen."

Dhanka kale, hay'adda MSF waxay sheegtay in 83-qof oo ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay degmada Dayniile ay koox shaqaalahooda ka tirsan kuwa daweeyeen isbitaalka Dayniile, waxaana dhaawacyada oo dhammaantood shacab ahaa ay hay'addu sheegtay inay ku dhaawacmeen qaraxyo iyo rasaastii la is-dhaafsanayay ayna 41-qof oo ka mid ah isbitaalka seexiyeen, halka intii kale ay iska baxeen.

Hay'adda MSF ayaa waxay taageeraysay isbitaalka Dayniile tan iyo bishii Ogoosto ee sannadkii 2007. Iyadoo hay'addu ay sheegtay in 24-caruur ah ay maalintiiba ku quudin jirtay isbitaalka, iyadoo dagaalladu ay qaseen sii socoshada howshaas.

Ugu dambeyn, hay'adda MSF waxay warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay inay sii wadayso howlihii isbitaalka Dayniile, ayna shaqaalaheedu u qaybinayaan dadka barakacay u qaybinayaan dawooyin iyo raashinka nafaqada lagu soo celiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya